Accessibility links

Breaking News

Doorasho been abuur ah xilli ay shacabka Syria silcayaan


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dadka reer Syria waxay mudan yihiin inay helaan xal siyaasadeed oo waara oo laga gaaro colaadda daba dheeraatay ee tobankii sano ee la soo dhaafay ay la dhibtoonayeen, xalkaas oo waafqsan Qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ee tirsigiisu yahay 2254.

Go’aanka oo la meel mariyay sanadkii 2015-kii, ayaa waxuu soo bandhigayaa qorhse howleed ay kujiraan in la qoro dastuur cusub oo lagu xijinayo qabashada doorasho xor iyo caddaalad ah, iyadoo qaraarka uu qeexayo in shacabka Syria ay yihiin kuwa go’aaminaya waxa uu noqnayo mustaqbalka Syria.

26-ka May Syria waxay qaban doontaa doorasho madaxweyne, laakiin dastuur cusub wali looma qorin mana jirto wax u dib u habeyn la taaban karo ah oo ay ku heshiisay dowladda Syria,

Tobannaan sano oo doorashooyin musuqmaasuq ah ay qabsanayeen qoyska reer Assad, ayaa haddana waxaa jira shaki yar oo laga qabo in natiijada doorashada ay lamid noqoto tii 2014kii, markaas oo madaxweyne Bashar Al-Assad uu ku guulaystay 92% oo codadkii la dhiibtay ah.

Wakiilka Mareykanka u fadhiya Qramarada midoobay Linda Thomas- Greenfield ayaa ku dhawaaqday, in doorashada soo socota ee lagu wado in Syria ay ka qabsoonto aysan u dhic doonin si xor oo caddaalad ah islamarkaana aysan matali doonin dadka Syria.

”Guuldarrada in la sameeyo dastuur cusub waxay caddeyneysaa in waxa loogu yeeray doorashada 26-ka May ay tahay been abuur, maadaama golaha ay si mideysan u ogolaadeen, doorashada waa inay dhacdaa iyadoo laga tixraacayo dastuurka cusub Qaramada midoobena ay kormeereyso” ayay tiri danjire Thomas Greenfield.

Iyadoo danjire Thomas Greenfield ay ku dhawaaqday in Assad uu qabsanayo doorasho been abuur ah, shacabka Syria-na ay sii dhibtoonayaan, ayay sheegtay in gargaarka naf badbaadinta ay dadka ka hor istaagtay dowladda Syria iyo golaha oo ku guuldarraystay inay dib u ogolaadaan ka gudbidda xadka Bal al Salam iyo Yaroubiyah, halkaas malayaayiin reer Syria loo marsiin jiray gargaarka ay dhibaatada sii kordhisay.

Waxay ugu baaqday golaha inay dib usoo celiyaan soohimada ayna ogolaadaan 12 bilood oo laga gudbayo xuduudda Bab al Hawa ee Syria iyo Turkey, taas oo ay ku qeexday inay tahay mid aan looga maarmin xaqiijinta in dadka la gaarsiiyo cunto teendhooyin iyo adeeg caafimaad.

Danjire Thomas Greenfield ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqday dhibaatooyinka heysta dadka ku nool kaamka barakacayaasha ee Rukban ee koofur bari Syria, halkaas oo muddo 16 bilood ah ay daryeel la’aan caafimaad ku haysato, taasoo ay sabab u yihiin Bashar al Assad iyo Russia oo gargaarka ka mamnuucay.

Danjire Thomas Greenfield ayaa tiri “Mareykanka wuxuu garab taagan yahay dadka Syria, waxaan ku baaqaynaa xal siyaasadeed oo laga gaaro colaadda Syria, waxaana ka codsaneynaa golaha inay taageeraan dadka reer Syria ayna galaangal u siiyaan loo geeto gargraar binu’aadannimo oo si aad ah ay ugu baahan yihiin.

XS
SM
MD
LG