Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ka walaacsan dad lagu xiray Benin


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Kadib markii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Benin ay ansixisay natiijooyinka doorashooyinkii madaxweyne ee 11-kii April ka dhacay dalka ku yaalla Galbeedka Afrika, madaxweynaha cusub ee dib loo doortay Patrice Talon wuxuu khudbad uu qaranka u jeediyey ugu baaqay shacabka dalkiisa inay ka shaqeeyaan “heshiis, midnimo, nabad iyo amni.”

Hase yeeshee midnimo iyo nabad ma noqon astaanta dhacdooyinkii la xiriiray doorashooyinkii Benin ka dhacay sanadkan. Kahor doorashada, ayada oo uu taageerayo madaxweyne Talon, waxaa Golaha Qaranka lagu ansixiyey sharci aad ugu adkeeyeey mucaaradka inay ka qeyb galaan doorashada, waxaana dalka isaga tegay hoggaamiyeyaal mucaarad oo badan. Intii ay socotay doorashada lafteeda, xarumaha codbixinta ee meelo ka mid ah dalka ayaa la awoodi waayey in la furo.

Waxaa taas dheer, tiro ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka oo dalka sii joogay ayaa loo xiray wax ay kormeerayaasha ku qeexeen sababo ay dhiiri-gelisay siyaasad.

Bayaan uu soo saaray, ayaa afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu la socda walaacyo la xiriira xarigyo dhowr ah oo loo gaystay mucaaradka oo la xiriira doorashooyinkii April 11.

“Mabaadi’da Dimqoraadi ee labadeena dal ay wadaagaan ayaa waxaa ka mid ah in qofka uusan dambi laheyn llaa lagu caddeeyo dambiga ayada oo loo marayo hanaan caddaalad oo dhex-dhexaad ah islamarkaana daahfuran,” ayuu yiri. “Mabaadi’da iyo xoriyadaha hadalka iyo isu imaatinka waxaa lagu ilaaliyey dastuurada Mareykanka iyo Benin.”

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ee la xiray ayaa waxaa loo xabisay tuhuno ka saabsan “maal-gelinta argagixisanimo” iyo “hurinta rabshado.”

Price ayaa yiri “Inkasta oo aan si dhab ah u qaadano eedeymaha la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo hurinta rabshadaha, haddana shacabka Benin waxay mudan yihiin in si joogto ah loola socodsiiyo heerka kiisaskan.

Iskaashigeena amni ee dunida wuxuu ku xiran yahay sida dalalka aan saaxiibada nahay ay ugu hoggaansamaan waajibaadka xuquuqda aadanaha iyo ka go’naantooda, iyo inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga iyo hanaanka cadaaladda aan loo adeegsan ujeedooyin siyaasadeed.”

Dowladda Mareykanka “waxay si dhow isha ugu haysaa ficillada dowladda Benin,” ayuu yiri Mr. Price. “Xushemynta iyo ilaalinta xoriyadaha aas-aasiga ah, oo ay ku jiraan xoriyadaha hadalka, isu-imaatinka nabadeed, iyo madax-banaanida garsoorka waa u muhiim dimoqraadiyad kasta. Dalalka ilaaliya xuquuqda aadanaha waxay awood u siiyaan inay shacabkooda helaan amni iyo barwaaqo ballaaran.”

XS
SM
MD
LG