Accessibility links

Breaking News

Maraykanka oo taageeray in la laalo sharciga ilaalinta xuquuqda hal-abuurka ee la xidhiidha tallaalka COVID-19.


Warbixintan waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa taageertay in la laalo sharciga ilaalinta xuquuqda hal-abuurka ee la xidhiidha tallaalka COVID-19. Dowladda ayaa sidaasi ka sheegtay xarunta Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga.

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa go’aankan ansixiyay 5tii Bisha May, waxaana ku dhawaaqday wakiilka Maraykanka u qaabilsan ururka caalamiga ah ee ganacsiga danjire Katherine Tai.

Danjiraha ayaa sheegtay in xanuunkan uu yahay masiibo calami ah oo u baahan si gaar ah loola tacaalo.

Danjiraha ayaa tilmaantay in maamulka madaxweyne Biden uu aaminsanyahay in la ilaaliyo xuquuqda hal abuurka iyada oo shirkadaha wax cusub soo saara loo diiwaangaliyo lagana ilaaaliyo in dib loo min guuriyo, hase ahaatee sida ay danjiruhu sheegtay maadaamada uu xanuunkan uu saameeyay caalaamka oo dhan loo baahanyahay in si gaar ah looga hortago.

Ambassador Tai ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Maraykanku ay si firfircoon uga qayb qaadanayso wada-hadalka ka socda xaruunta ganacsiga caalamiga ah, kuwaas oo ay sheegtay inay wakhti dheer qaadan doonaan maadaama arrinka laga hadlayaa uu yahay mid murugsan.

Dalal badan oo ka mid ah kuwa soo koraya ayaan awood u haysan inay tallaalka helaaan.
Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa soo dhaweeyay mawqifka dowladda Maraykanka, isaga oo ku tilmaamay inay talaabadaasi tusaale u tahay in uu Maraykanku safka hore kaga jiro hoggaaminta dadaalka lagu xakamaynayo cudurada halista ku ah caalamka.

Ambassador Tai ayaa sheegtay in ujeedada dowladda Maraykanku ay tahay in tallaal badan oo la hubo loo helo tirada ugu badan ee dad ah ee la gaarsiin karo sida ugu degdegga badan

Danjiraha ayaa sheegtay in maadaamaa dowladda Maraykanku ay hayso tallaal ku filan shacabka maraykanka in dowladdu ay la shaqayn doonto shirkadaha gaarka loo leeyahay si tallaal badan loo soo saaro isla markaana waxay dowladda Maraykanku gacan ka gaysanaysaa sidii loo heli lahaa walxaha asaasiga ah ee tallaalka laga sameeyo.

XS
SM
MD
LG