Accessibility links

Breaking News

Xoriyadda diinta - Xuquuq aas-aasi ah


Tani waa faallo ka tarjumaya aragtida Dowladda Mareykanka

Xorriyadda diinta, sida xuquuq kasta oo bini'aadam ah, waa mid caalami ah, ayu uku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken markii la sii daayay Warbixinta Sannadlaha ah ee Xorriyadda Diinta ee Waaxda Arrimaha Dibadda.

"Dhammaan dadka, meel kasta oo ay joogaan, waxay xaq u leeyihiin iyada oo aan loo eegin meesha ay ku nool yihiin, waxa ay aaminsan yihiin, ama waxa aysan rumaysnayn. . . . .Xorriyadda diineed si buuxda looma xaqiijin karo illaa xuquuqda kale ee aadanaha oo la ixtiraamo mooyee, oo markay dawladuhu ku xadgudbaan xuquuqda dadkooda ee ah inay rumeystaan oo ayna xur u ahaadaan cibaadadooda, taasi waxay khatar gelinaysaa kuwa kale oo dhan. "

Dad badan oo adduunka ku nool, xorriyadda diinta wali waa ka maqan tahay. Sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-baarista ee Pew, 56 dal waxay leeyihiin xannibaadyo sare ama daran oo ku saabsan xorriyadda diinta.

Taliska Iran wuxuu sii wadaa cabsi gelinta, dhibaateynta, iyo xiritaanka xubnaha kooxaha diimaha laga tirada badan yahay, oo ay kujiraan Baha’is, Masiixiyiinta, Yuhuud, Zoroastrian, Sunni iyo Muslimiinta Suufiyada.

Burma, hoggaamiyayaashii inqilaabka milateri waxay ka mid yihiin kuwa mas'uulka ka ah isir sifeynta iyo xasuuqyada kale ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.

Ruushka gudahiisa, mas'uuliyiintu waxay sii wadaan inay dhibaateeyaan, xiraan, oo ay la wareegaan hantida koox diimeedka Kiristanka ee Jehovah Witnesses iyo sidoo kale xubnaha kooxaha laga tirada badan yahay ee Muslimiinta iyagoo lagu eedeynayo xagjirnimo.

Sacuudi Carabiya ayaa weli ah dalka kaliya ee adduunka oo aan lahayn kaniisad Masiixi ah, in kasta oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo Masiixiyiin.

Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha-na waxay si wayn dambi uga dhigaysaa muujinta diinta oo ay sii waddaa dambiyo ka dhan ah aadanaha, xasuuq ka dhan ah Muslimiinta Uighurs iyo xubno ka tirsan kooxaha kale ee diinta iyo qowmiyadaha tirada yar ee ku nool Xinjiang.

Waddamada qaar waxay qaadayaan tillaabooyin ku aaddan kordhinta xushmadeynta xorriyadda diinta, ayuu yiri xoghayaha Blinken:

“Sannadkii hore, dawladda rayidka ah ee ku-meel-gaarka ah ee Suudaan waxay laashay sharciyadii riddada iyo kala dambaynta ee loo adeegsaday in lagu dhibaateeyo xubnaha kooxaha tirada yar ee diinta. Dowladda Uzbekistan ayaa sii deysay boqolaal qof oo loo xiray sababo la xiriira waxa ay aaminsan yihiin. . . .Turkmenistan waxay sii deysay 16 qof oo ka tirsan koox diimeedka Jehovahs Witnesses oo diiday inay ka mid noqdaan militariga. ”

"Waxaan sii wadi doonnaa hoggaanka dheer ee Mareykanka ee xorriyadda diinta", ayuu yiri Xoghaye Blinken, waxaanna sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno u doodayaasha xuquuqda aadanaha iyo bulshooyinka diinta si loola dagaallamo dhammaan noocyada naceybka iyo takoorka ku saleysan diinta.

XS
SM
MD
LG