Accessibility links

Breaking News

Mareykanka waxa uu India kula garab taagan yahay dagaalka ka dhanka ah COVID-19


Virus Outbreak India
Virus Outbreak India

India waxaa ka jira koror cabsi leh oo ku saabsan COVID-19, kiisaska iyo dhimashada, Mareykankuna wuxuu u istaagay gargaar dalka ay isku jaalka yihiin. Kaliya ma ahan in labada dal ay ka wada shaqeeyeen arrimaha caafimaadka adduunka muddo toddobo sano ah, balse deeqsinimada India ee Mareykanka maalmihii ugu horreeyay ee masiibada markii isbitaalada dalkan la adkeeyay laguna xasuusto loogana mahadiyo.

Kordhinta taageerada si loola dagaallamo dhibaatada COVID-19 ee India, dowladda Mareykanka waxay bixisay in ka badan $ 100 milyan oo gargaar illaa iyo maanta.

Xog waran kooban oo uu bixiyay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price bishan May 11keedii wuxuu ku dhawaaqay in lix diyaaradood oo siday sahay la geeyay India muddo lix maalmood.

Sahaydaasi waxaa ka mid ah Daawada talaalka ee Remdesivir, ku dhowaad 1,500 dhuun oksijiin ah, 550 kiciyayaal oksijiinka guurguura , 1 milyan oo baaritaanno degdeg ah oo lagu ogaanayo ku dhowaad 2.5 milyan oo N-95, waji duub nidaam uruurinta oksijiinta oo ballaadhan intaa waxaa dheer isla markiiba qoondeeynta maalgelineed ee Ha,yada USAID si loogu iibsado gudaha 1,000 dheeraad ah oo ah ururiyayaasha oksijiinta wareega.

Si loo kordhiyo wada shaqeynta, Mareykanka sidoo kale wuxuu si dhow ula shaqeynayaa shaqsiyaadka deeqaha bixiya , kuwa gaarka loo leeyahay iyo NGO-yada.

Afhayeenka Price wuxuu iftiimiyay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka go'an tahay inay ku deeqaan India $ 400 milyan oo kale oo gargaar ah ilaa iyo hadda India oo uu yiri - waa tallaabo dowladda Mareykanka "si aad ah ay ugu faraxsan tahay in ay aragto.

Si loo taageero jawaabta caalamiga ah ee lagu joojinayo aafada, Aqalka Cad ee COVID-19 Kooxda Kajawaabida Lataliyaha Sare Andrew Slavitt wuxuu sheegay in Mareykanku uu sidoo kale eegayo ikhtiyaarad uu kula wadaagi karo talaabo bad qab ah ee wax ku oolka ah wadamada kale marka la helo.
Maamulka Biden - Harris wuxuu si adag u aaminsan yahay ilaalinta hantida aqooneed, laakiin u adeega joojinta aafadan.

Mareykanka wuxuu sidoo kale taageerayaa ka tanaasulida ilaalinta IP ee Tallaalada COVID-19 ee hoos timaada Ururka Ganacsiga Adduunka.

Mareykanku wuxuu u taagan yahay la midoowga dalka India maadaama uu la dagaallamayo mowjadihii ugu dambeeyay ee kiisaska COVID-19 wuxuuna sii wadi doonaa inuu si dhow uu ula shaqeeyo saraakiisha India iyo khubarada caafimaadka si loo aqoonsado loogana jawaabo isbeddelada soo ifbaxaya ee dhibaatadan socota.

Sida ahayeen Price sheegay, ballanqaadka Mareykanka ee ku aadan gargaarka India wuxuu ka tarjumayaa ballanqaadkii Madaxweyne Biden ee Mareykank inuu sii wado inuu noqdo hoggaamiye markay tahay gargaarka bani'aadanimada iyo markay tahay caafimaadka bulshada adduunka.

XS
SM
MD
LG