Accessibility links

Breaking News

Si isbaheysiga dalalku u guuleysto, waa in dhammaan ay kusoo biiraan


Antony Blinken
Antony Blinken

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Wax yar uun ka dib dagaalkii labaad ee dunida, wadamada dunida ugu awooda weyni waxay garwaaqsadeen in horumarka wadamada kale uu muhiim u yahay iyaga horumarkooda, markaasi ayaa wadamadii ku midka ahaa Qaramada Midoobey oo markaas uun la aasaasey waxay meel isla dhigeen “dhowr qodob oo aasaasi ah si looga hor tago colaad iyo sare u kaca dhibaatada bulshooyinka, in la aqoonsado lana difaaco xuquuqda bani’aadamka. In la abuurowadahadalo socda oo sare loogu qaado laguna wanaajiyo nidaam looga gol lahaa dhamaan dadka,” sidaasi waxaa yiri xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken oo hadal ka jeedinaayey golaha Amaanka ee QM May 7-deedii.

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu yiri xoghaye Blinken “hadda, dadbaa is weydiiya hadii wadashaqeyntii wadamada ay wali suurtagal tahay iyo ahdii akle” xoghaye Blinken ayaa intaas sii raaciyey Heshiiska wadamada caalamka wali waa qaabka ugu haboon ee loola tacaali karocaqabadaha waaweyn ee dunida.”

Balse nidaamkan si loo meelmariyo, wadamada oo dhan waa in ay u hogaansamaan isla markaana ka shaqeeyaan sidii uu u guuleysan lahaa.

Xoghaye Blinken aya ayiri “ waxaa jirta sedex qaab oo taas loo sameyn karo”
Isagoo sedexdaas qaab sharxayana waxa uu yiri “marka hore dhamaan wadamada caalamka waa ina y ka soo dhalaalaan balanqaadyadoodii gaar ahaana kuwa sharciyada arrimahaas iskau haya, taasoo ay ka mid tahay sharciga QM, heshiisyada iyocahdiyada, qaraarada golaha amaanka, sharciga bani’aadani nidaamyada iyo heerarka la isku raacay ee ururka ganacsiga aduunka iyo qodoba badan oo ka mida sharciyada caalamiga ah.”

Qodobka kale ayuu ku sheegey inuu yahay in xuquuqda aadanaha iyo sharfkaba ay noqoto lafdhabarka kala danbeynta caalamiga ah.

Tan sedexaad ayu uku sheegey in ay dhamaan wadamada ay aqoonsadaan in QM saldhigeedu yahay shuruuc saldhigoodu yahay madaxbanaani, sinaan dhamaan xubnaheeda ah.

“Wadana ma ixtiraamin shuruucdaas marka marka ay duulaan uga talowdo xuduudaha wadan kale ama isku deyto in muran dhinaca dhulka ah ay ku xaliyaan hanjabaad awoodeed ama uu wadan sheegto inuu xaq u leeyahay inuu saameyn ku yeesho go,aanka dal ka.sidoo kale waa ixtiraam daro shuruucda caalamiga ah hadii dal isku dayo inuu ku bartilmaameedsado dal kale warar been abuur ah ama musuq maasuq sida hubka loo adeegsanaayo si dalkaas loogu xad gudbo doorashadiisa xorta iyo cadaalada ah iyo heyadihiisa demoqraadiga ah, ama la daba galo oo la ugaarsado wariyayaashiisa ama muwaadiniintiisa dibad jooga ah.”

Ugu danbeyntii xoghaye Blinken ayaa yiri “ma ahan mid ku filan in la difaaco sharciyada ku saleysan amarada ee aynu hada heysano, ee waa in aynu horumarinaa oo k uku sii kordhisnaa”

Blinken ayaa sidoo kale yiri “Assasskii QM, madaxweynihii xiligaas Harry Truman ayaa yiri “Sharcigan ma ahan mid ay ka soo shaqeeyeen wadan kaliya ama kooxo wadamo ah, kuwo balaaran iyo kuwo yarba, ee waxay aheyd natiijadii ka soo baxdey dareen wax isi siin iyo kala qaadasho ah ay ku dheehneyd dulqaad aragtiyo iyo dano wadamada kale” Xoghaye Blinken ayaa intaas raaciyey “ waxaa la cadeeyey in wadamadu ay sharxi karaan kala duwanaanshiyahooda ay wajihi karaan xal loo dhan yahay meel isla dhigi karaan.”

XS
SM
MD
LG