Accessibility links

Breaking News

Cadaadis diimeedka ka socda Shiinaha


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xayiraadaha fiisaha ee ka dhanka ah sarkaal ka tirsan Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha oo ku lug leh xadgudubyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha, gaar ahaan, xarigga aan loo meeldayin ee loo geysto xirfadleyda aaminsan diinta Falun Gong ee ku takhasusay caqiidadooda ruuxiga ah.

Yu Hui, oo ahaa Agaasimihii hore ee xafiiska waxa loogu yeero "Kooxda Hogaaminta Dhexe ee Ka Hortagga iyo La Tacaalista Diimaha Baadilka ah" ee magaalada Chengdu, Gobolka Sichuan, ayaa laga mamnuucay inuu soo galo Mareykanka, iyadoo ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ku dhawaaqistaas ayaa waxaa la sameeyay 12-kii bisha May, sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku daabacday warbixinteeda sanadlaha ah ee ku saabsan xorriyadda diinta ee adduunka qeybteeda ku saabsan PRC, ayaa Waaxda Arrimaha Dibadda waxay xustay in mas'uuliyiinta lagu soo warramey inay xireen in ka badan 7,000 oo xubnood oo Falun Gong ah sanadkii la soo dhaafay, in badanna ay la kulmeen xadgudub daran.

Xirfadleyda Falun Gong kaliya ma ahan dhibanayaasha cadaadiska diinta ee xukuumadda Beijing, sida Daniel Nadel, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arimaha Dibadda ee Xafiiska Xoriyada Diinta Caalamiga ah, uu ku sharaxay sii deynta warbixinta.

“Sidoo kale kama jeesan karno dambiyada socda ee ka dhanka ah aadanaha iyo xasuuqa dowladda Shiinaha ay ku heyso Uyghurs-ka muslimiinta ah iyo xubnaha ka tirsan qowmiyadaha iyo kooxaha diinta laga tirada badan yahay ee Xinjiang.

Tani ayaa waxaa loo arki karaa inay tahay dhamaadka tobaneeyo sano oo cadaadis lagu hayo dadka aaminsan diinta, laga soo bilaabo diinta Buddhistaha ee Tibetan-ka ilaa Kiristanka, ilaa xirfadleyda Falun Gong.”

Mr. Nadel wuxuu xusay in xukuumadda PRC ay joojisay inay si toos ah u beeniso bartilmaameedka ay ku hayso dadka Uyghurka ee ku nool Xinjiang. Taas badalkeeda, ayay PRC waxay u weecisay difaaca been abuurka ah ee sida xun ee loola dhaqmay dadka, oo ay ku jirto in gobolka oo dhan loo rogo waxa Mr. Nadel ku tilmaamay "xabsi dusha ka furan," iyadoo leh waa lagama maarmaan sababo amaan awgood.

“Dabcan, adduunka kama dhaadhaceyso. Waxaan si cad u aragnaa waxa ay tahay. Waxay tahay isku dayga ah in dad, taariikh, dhaqan laga tirtiro dhulka, waana wax aan la aqbali karin.”

Sanadkii la soo dhaafey, Mareykanku wuxuu ka jawaabey ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee dadka Shiinaha, oo ay ku jiraan xuquuqdooda xoriyadda diinta, iyadoo loo marayo habab kala duwan.

“Mareykanka,” Sarkaalka Sare ee Waaxda Arimaha Dibadda ee Nadel wuxuu yiri, "waxaa ka go'an adeegsiga dhamaan aaladaha la heli karo, mid wanaagsan iyo ciqaab labadaba, si loo horumariyo xuquuqdan guud. Dad badan iyo bulshooyin badan oo adduunka ah oo sheekooyinkooda ay ka buuxaan warbixintan, farriintayada maanta wey u caddahay: Waan ku aragnay, waan ku maqalnay, mana nasan doonno ilaa aad xor u ahaato inaad noloshaada ugu noolaato si sharaf iyo nabad ah.”

XS
SM
MD
LG