Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo taageero cusub ku yaboohay xasaradaha bani'aadannimo ee Rohingya


Antony Blinken
Antony Blinken

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa bixin doonta 155 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo ah kaalmo bani’aadannimo si loo daboolo baahiyaha deg degga ah ee qaxootiga Rohingya iyo bulshooyinka marti-geliya ee Bangladesh, iyo sidoo kale dadka ay saameeyeen rabshadaha ka socda gobollada Rakhine, Kachin, Shan, iyo Chin ee dalka Burma.

Waxaa jira qiyaastii 900,000 oo qaxooti ah oo ku sugan Bangladesh kuwaas oo kasoo cararay rabshadaha xun ee dhowrkii sano ee tagay ka socday gobolka Rakhine ee Burma. 472,000 oo ah dad u dhashay Bangladesh oo marti-geliyey ayey sidoo kale saameeyeen. Islamarkaana rabshadaha Burma ayaa kasii daray tan iyo markii militariga ay afgambiyeen dowladdii sida dimqoraadiga ah loo doortay bishii Febraayo 2021.

Dowladda Mareykanka ayaa ah tan hoggaamisa kaalmada bani’aadannimo ee looga jawaabayo xasaradaha. Isaga oo ku dhowaaqaya kaalmada dheeriga ah, ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken, wuxuu bayaan uu soo saaray ku sheegay in maal-gelintan cusub ay ka dhigan tahay in kaalmada Mareykanka uu ku bixiyey rabshadaha Burma iyo xasaradaha Bangladesh tan iyo August 2017 ay gaareyso 1.3 bilyan oo dollar, oo 1.1 bilyan oo dollar oo ka mid ah mashruucyo looga fuliyey gudaha Bangladesh.

Blinken ayaa xusay qiimaha iyo mas’uuliyadda ay qaateen dalalka kale, gaar ahaan Bangladesh oo ka jawaabtay rafaadka qaxootiga Rohingya, wuxuuna ballan-qaaday inay taageero siin doonaan dalalka gobolka ee ahmiyadda siiya bad-baadinta qaxootigan.

“Kadib afgambigii militari ee dhacay 1-dii Febraayo iyo beegsiga xun ee militariga ay ka wadaan Burma, waxaa naga go’an inaan wax ka qabano xasaradaha Rohingya, inaga oo garowsan in hogaamiyayaasha afduubka ay yihiin isla dadkii ka mas’uulka ahaa xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ee horey u dhacay oo ay ku jiraan xasuuq ka dhan ah Rohingya,” ayuu yiri Blinken.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno saaxiibada caalamiga ah si aan u taageerno cadaaladda iyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah afgambiga iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.”

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu sii wado inuu u ololeeyo xuquuqda dadka Rohingya, wuxuuna ku baaqay in laga qeyb-geliyo wada-xaajoodyada ku saabsan mustaqbalkooda.

Xoghaye Blinken ayaa sidoo kale ugu baaqay Bangladesh inay qaaddo tallaabooyin lagu ilaalinayo qaxootiga oo aysan ogolaan xaalado ku qasbi kara inay dalkooda ku laabtaan, halkaasi oo ay ku wajahi karaan cadaadis iyo rabshado.

“Dowladda Mareykanka waxaay ka go’an sare u qaadiidda nabadda, amniga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo sharafta bani’aadamka ee dhammaan shacabka Burma, oo ay ku jiraan Rohingya.”

XS
SM
MD
LG