Accessibility links

Breaking News

Madax-banaanida dhuleed ee Ethiopia oo halis ku jirta


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Dawladda Maraykanku waxay welwel qoto dheer ka qabtaa khatarta ku aaddan madax banaanida dhuleed ee Ethiopia. Khatartaas ta ugu weynina waa xasaradda ka sii socota gobolka Tigray.

Dadka reer Tigray waxay la il daran yihiin xad gudubyo xuquuqda bani’aadamka ah, halka hal milyan oo ka mid ahna ayna cuntadoodu sugneyn. Isla xiligaas, gargaar bani’aadaminimo oo degdeg ah oo loo baahnaa ayaa waxa horjoogsaday ciidamada Ethiopia iyo kuwa Eritrea iyo kooxo kale oo hubaysan.

“Dawladda Maraykanku waxay erayada ugu ad-adag ku cambaareynaysaa dilka, baro kicinta qasabka ah, rabshadaha dhinaca jinsiga ee abaabulan, iyo xad gudubyada kale ee bani’aadaminimo,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken.

“Sidaas si la mid ah waxaa naga yaabiyey burburka hantida shacabka oo ay ku jiraan ilihii biyaha, cusbitaaladii, xarumihii kale ee caafimaadka ee gobolka Tigray” ayuu sii raaciyey.

Dawladda Maraykanka ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqday inay la xisaabtanto kuwa mas’uulka ka ah xad gudubyada xuquuqda aadamaha, dadka shacabka la ilaaliyo, iyo inay hubiso in gargaarka degdeg ah aan la carqaladeyn.

“Marka laga yimaaddo dadaallo muuqda oo dhinaca diblomaasiyadda ah” ayaa Xoghaye Blinken uu sheegay in “dhinacyada dagaalka Tigray ku lugta lihi ayna qaadin tallaabooyin macno leh oo lagu soo af-jarayo colaadda ama xal siyaasadeed loogu raadinayo xasaradda siyaasadeed.”

Xoghaye Blinken ayaa dawladda Eritrea ugu yeeray in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidankeeda ugu celiso xadka la aqoosan yahay ee dalkeeda. Ilaa colaaduhu joogsadaan oo la ogolaado galaangal dhinaca bani’aadaminimada ah oo baaxad leh, cunno yarida hadda jirtaa waxay horseedi kartaa macaluul.
Marka la eego xaaladda daran ee ka jirta dalka Ethiopia gudihiisa ayaa Xoghaye Blinken uu ku dhawaaqay in fiisaha laga xannibo saraakiisha hadda ama kuwo hore ee u dhashay Ehtiopia iyo Eritrea, xubnaha xoogagga ammaanka, dadka kale sida kuwa gobolka Amxaarada io ciidamada aan nidaamsaneyn iyo xubnaha Jabhadda Xoreynta Tigray, ee mas’uulka ka ha ama mijo xaabinaya xalka dhibaatada Tigray.

Kuwa xad-gudubka ku sameeyey dadka reer Tigray iyo kuwa horjoogsaday kaalmada bani’aadaminimo ayaa sidoo kale la kulmaya xannibaadaha dhinaca fiisaha. Xubnaha dhow ee qoysaskooda ayaa sidoo kale, iyagana, la xannibayaa.

Xoghaye Blinken ayaa dawladaha kalena ugu yeeray inay tallaabooyinka Maraykanka oo kale qaadaan.

Intaas waxa dheer, Maraykanku waxa xaddidaad balaaran uu ku sameeyey gargaarkii dhaqaale iyo kii amni ee Ethiopia. “Waan sii wadaynaa gargaarka bani’aadaminimo iyo gargaarada kale ee muhiimka ee Ethiopia,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. Xannibaadihii balaarnaa ee gargaarka ee Eritrea iyagu way sii jirayaan.

Dawladda Maraykanka waxaa ka go’an taakuleynta dadaalada lagu xallinayo dhibaatada gobolka Tigray, isla markaana dadka reer Ethiopia lagu caawinayo dib-u-heshiisiin iyo wadahadal.

XS
SM
MD
LG