Accessibility links

Breaking News

Dimoqraadiyadda oo kasii baaba'eysa Hong Kong


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Xildhibaanada dalka Hong Kong ayaa ansixiyey sharci cusub oo wax ka badalaya nidaamkii doorashada Hong Kong, wuxuuna sharcigan cusubi siinayaa Beijing maamul balaaran oo ku aadan nidaamka doorasho ee dalkaas.

Tirade kuraasida Baarlamanka Hong Kong ayaa la balaarinayaa waxaana ay noqonayaan 90 kursi waxaa 40 ka mida soo dooranaya gudiga u janjeera Beijing, tirade xildhibaanada Hong Kong laga soo doorto waa la jari doonaa waxaana ay noqonayaan 20 halka markii hore ay ka ahaayeen 35 xubnood, waxaa taasi soo raaci doonta in nidaamka amniga qaranka ee Hong Kong ay ay sameyn doonaan baaritaan ku saabsan taariiqda qofka kursiga siyaasada u tartamaya si loo xaqiijiyo in ay yihiin muwaadiniin wadaniyiin ah oo ay ula jeedaan in ay noqdaan kuwo u janjeera Beijing.

Waxa loogu yeerey isbedelkan cusub ayaa waxaa si loo dhan yahay u ansixiyey mudanayaasha Baarlamanka taasoo ka dhigan in aysanba joogin xubnaha mucaaradka oo badankooda is casiley sanadkii hore ka dib markii afar xubnood oo ka mida lagu eryey in aysan si buuxda u daacad ugu aheyn Beijing.

Sharcigan cusub ayaa ka mida sharciyo dhowr ah oo isku xig xigey oo la soo rogaayey sanadihii u danbeeyey waxaana ay soo yareynayeen xoriyada uu sharciga baaqa Sino-British siinaayo muwaadiniinta reer Hong Kong, nidaamkan ayaa ah mid dhigaya hal wadan iyo laba nidaam. Tan iyo sanadkii 2019ka kumanaan dad ah oo u ololeeya demoqraadiyada iyo dad bananabaxaayey ayaa ayaa xabsiga la dhigey waxaana lagu soo eedeeyey dacwado ay ka mid yihiin Qatar galinta amniga qaranka.

Qoraal uu arrintan ka soo saarey xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa canbaareeyey carqalada ay dowlada Shiinaha ku heyso heyadaha demoqraadiga ah ee Hong Kong wuxuuna yiri “u diidista dadka degen Hong Kong xuquuqda ay Shiinaha laftoodu siiyeen. Iyo golaha sharci dejinta ee Hong Kong oo iyana meel mariyey sharcigan cusub ee wax ka badalaya golaha sharci dejinta Hong bishii May 27keedii waxa uu ku tilmaamey mid xakameynaya dadka reer Hong Kong in ay si micna leh uga qeybgalaan dowladnimadooda iyo in codkooda la maqlo”

Xoghaye Blinken ayaa sheegey in sharciga cusub uu meesha ka saarayo sharciyada aasaasiga ah ee ogolaanaya in ujeedka ud anbeeya uu yahay doorashada dhamaan xubnaha ka mid noqonaya golaha sharci dejinta, oo cod lagu soo dooran jirey. Xoghaye Blinken ayaa yiri “ waxaanu mar akle ugu yeereynaa dowlada Shiinaha in ay ogolaadaan in codadka dadka reer Hong Kong la maqlo.”

Waxaa kale oo uu sheegey “waxaa kale oo aynu ugu baaqeynaa in ay sii daayaan isla markaana ay meesha ka saaraan eedaha ka dhanka ah dhamaanba dadka lagu xukumey sharciga amaniga qaranka iyo sharciyada kale, kaasoo ka dhan ah codeynta dadka iyo cabirka fekerkooda, Mareykanka waxay arrintan kala mideysan yihiin saaxiibadooda caalamka ee u dooda xuquuqda aadanaha iyo xuquuaha aasaasiga ah ee uu sharciga siinayo dadka reer Hong Kong gaar ahaana tan uu u ogolaanayo sharciga Sino-British ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda asaasiga ah”

XS
SM
MD
LG