Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay hoggaamiyeyaasha militari ee Xuutiyiinta


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa u sumadiyay ku labo hoggaamiye oo maleeshiyada Xuuthiyiinta ah oo lala xariirinayo ficilada sii hurinaya dagaalada dalka Yemen, oo qatar ba'an ku haya dadka rayidka ah, ugana sii daraya dhibaatada bini'aadanimo ee foosha xun ee ka jirta halkaasi.

Dagaalka Yemen wuxuu bilowday sanadkii 2014-kii markii Xuuthiyiinta ay Iran taageerto ay caasimadda Sanca kala wareegeen dowladda uu caalamku aqoonsan yahay waxayna madaxweynaha banaanka uga saareen dalka Yemen.

Dagaalkii xigay waxa uu keenay mid kamid ah masiibooyinka bini’aadanimo ee adduunka ugu xun, waddankiina waxa uu markale qarka u saaran yahay macluul. Ugu yaraan 20 milyan oo qof ayaa ku tiirsan nooc ka mid ah gargaarka bani'aadamnimada si ay u noolaadaan.

Labadan hogaamiye, oo uu Mareykanku carabaabay 20-kii bisha May ayaa labaduba ku lug leh weerarka ay xuuthiyiinta ku qaadaan gobolka ay gacanta ku hayso dowladda ee Marib. Muhammad Abd Al-Karim al-Ghamari ayaa dhowaan la wareegay masuuliyadda weerarka; Yusuf al-Madani, oo horey taliye uga soo ahaa afar gobal oo kala duwan oo ka tirsan Yemen, ayaa hadda loo xilsaaray duulaanka lagu bartilmaameedsanayo Marib.

Hadal qoraal ah oo uu ku shaacinayo magacyadda, ayaa Xoghayaha Arimaha Dibadda Antony Blinken waxa uu ku yiri, “Weerarka Marib wuxuu sii xumeynayaa dhibaatada bina'aadanimo ee Yemen, maadaama ay ku dhowaad hal milyan oo qof oo dadka gudaha ku barakacay ah ay halis ugu jiraan inay mar kale barakacaan, halis ku tahay jawaabta bani'aadamnimo ee horey u baaxadda weyneyd, waxaana ay kicineysaa koror ballaaran.”

Magacaabista ayaa waxay ka dhigan tahay in dhammaan hantida iyo danaha ka jira Mareykanka gudihiisa ee kuwa la magacaabay ay xiran yihiin; iyo, guud ahaan, wixii dhammaan macaamil ganacsi ah ee ay sameeyaan dadka Mareykanka ah ee ku lugta leh shaqsiyaadka la cayimay ama hanti ah ay mamnuuc yihiin.

Xoghayaha Arimaha Dibada Blinken ayaa xusay in ficilada Xuuthiyiinta ay saameyn xun ku yeelanayaan dadka rayidka ah ayna dhacayaan “walow heshiis caalami ah oo aan horay loo arag ay ka gaareen bulshada caalamka iyo howlwadeenada gobolka oo ku aaddan baahida loo qabo xabbad joojin deg deg ah iyo dib u ambaqaadidda wadahadalada nabadda.”

Wuxuu yiri, “Waxaan ugu yeereynaa Xuuthiyiinta inay si deg deg ah u joojiyaan dhamaan weerarrada iyo duulaanka milateri, gaar ahaan duulaankooda ka dhanka ah Marib, taas oo kaliya sababta dhibaatooyin badan oo soo gaara dadka reer Yemen. Waxaan ku boorrinaynaa inay ka waantoobaan ficillada xasilooni darrida oo ay ka qaybgalaan dadaallada Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in nabad lagu gaaro.”

Xoghaye Blinken waxa uu intaas ku daray “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa khilaafkan.”

XS
SM
MD
LG