Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo taageeraya bayaanka G-7 ee waxbarashada gabdhaha


Faalladan waxey ka turjumaysaa aragtida dowlada Mareykanka.

In wax la baro gabdhaha waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu awooda badan ee ka saari karo dadka saboolnida, hoos na u dhigi-karo sinaan la’aanta, sidoo kalena saldhig u noqon karo koritaan dhaqaalo.

Sanadkasto oo wax la baro, gabar waxaa ay ka dhigi kartaa inay mustaqbalkeeda hesho koror dhan 10 boqolkiiba.

Cunuga ay hooyadiis wax akhrin karto waxaa uu 50 boqolkiiba u dhow yahay inuu noolaado 5 jir waxii ka dambeeyo, waxaana laba jibaar ay u badantahay inuu Iskuul waxbarasho tago, sidoo kalena 50 boqolkiiba waxaa ay u dhow dahay in la talaalo.

Si kastooy ahaataba, xataa ka hor xiligii Covid19-19 uu jirey tiro ku siman 132 million oo gabdho ah oo tagayey schoolada ayaanan tagin.

Sababta ugu weyn ee arinkan ayaa ah mid badan ayadoo keento kala fogaanta wadan ka wadan. Waxaana ku jiro saboolnimo, Sinaan la;aanta Jinsiga iyo takoor, qalaalasa ku salaysan jinsiga, oo ay ku jiraan guurka qasabka ah ee ilmaha.

Dhowaantan, markii uu kordhey Cudurka 19 waxuu saameyey waxbarashada 1.6 Billion oo caruur ah.

UNESCO waxey ku qiyaastey in 11 million gabdhood in aysan ku noqonayn Iskuuladda kadib Xanuunka Covid-19.

Taasi waa sababta horaantii May, kulankii G-7, oo ah urur ay ka mideysanyihin Canada, France, Germany, Italy, Japan, Britain iyo Mareykanka, ay soo saareen baaq, kaasoo meel marinayso hanka heer gobol ee laga leeyahay tacliinta gabdhaha ku nool wadamada dhaqaalahooda uu hooseeyo iyo kuwa dhexe.

Yoolka ugu horeeyo waa in helo 40 Million gabdho ah oo Iskuulada tago sanadka 2026.

Waxaa xigo in la hubiyo in 20 Million in ka badan oo gabdhood ay wax akhrin karaan marka ay gaaraan da’aada 10 sano jirka ah, Sanadka 2026.
Mareykanka ayaa taageerey baaqa ururka G-7, ee gabdhaha waxbarashadooda.

“Waxaan ognahay in hadii aanan gabdhan lagu celinin Iskuuladda, waxaa dunida ay qatar ugu jirtaa in ay dhumiso Jiilal, sidaas waxaa yiri maamulka USAID, Samantha Power, oo Mareykanka wakil ka ahayd shirkii G-7 ay dhowaan yeesheen wasiiradooda arrimaha dibadda iyo horumarinta.

“Caawinaad Mareykanka ayaa door ka qaadnaysa horumarinta gabdhaha noloshooda laga bilaabo maalinkii ay dhasheen, ilaa iyo maalinkii ay qaan-gaareen, looguna talagaley in lagu daboolo baahidooda gaar-ka ah inta ay ku jiraan horumarkooda. Dowladeena Istaatiijadeedu waxaa loo sameeyey inay hubiso in gabdhaha la waxbaro, caafmaad ay helaan, ayna ka xoroobaan cabsi, qalaaso, iyo midab-takoor noloshooda” ayey tiri.

“Qaar ka mid ah waxyaabaha laga dhaxlo maalgashiga ee aan ku aragno kaalmadeena shisheeye ee Mareykanka waxay ka timid shaqadeena si aan u hubino in haweenka ay helaan awood buuxdo. 10 Boqolkiiba kororka gabdhaha aadayo Iskuulada ayaa waxey kobcisaa dhaqaalaha dalka ilaa iyo 3 Boqolkiiba,” siaas waxaa sheegay Power.

“Wada-jir, waxaan dhisi karnaa Tobanaan sano oo khibrad ah in aan caawino gabdhaha tacliintooda, si loo hubiyo inaan la luminin Jillal lahaan lahaa waxqabad iyo hibo”

XS
SM
MD
LG