Accessibility links

Breaking News

La-dagaalanka musuq-maasuqa Ukraine


Samantha Power, USAID
Samantha Power, USAID

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda Ukraine iyo meelo kale ayaa ah in xididdada loo siibo musuqmaasuqa. "Dhinacyada Xun xun” sida Ruushka iyo Shiinaha, waxay la xulufo la sameysanayaan maalqabeennada awoodda badan si ay ula dagaallamaan dib-u-habeeyayaasha, si ay u weeciyaan sharciga, isla markaana u qurmiyaan dimuqraadiyadda," sidaasi waxaa ka digtay ayay ka digtay Samantha Power oo ah maamulaha hey’adda USAID.

Samantha ayaa warkaasi sheegtay mar ay khudbad ka jeedineysay Shirka Dimuqraadiyadda iyo Ficilka, oo ahaa shir diiradda lagu saaray wax ka qabashada musuq-maasuqa Ukraine.

Horumarrada cajiibka ah ee sannadihi dhawaa laga gaaray Ukraine ayaa khatar ku jira. Maalgashiga bulshada ee qiimaha leh iyo sidoo kale dhaxgelidda suuqyada Yurub iyo nidaamyadooda ayaa la wiiqay.

Madaxweyne Biden ayaa dhawaan soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku muujinayo musuqmaasuqa inuu yahay muhiimadda koowaad ee amniga qaranka. Wareegtada ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqu curyaaminayo bulshada, waxna laga xado jeebabka muwaadiniinta canshuurta laga qaadayo, hoos u dhigo kalsoonida bulshada ee hay'adaha maamulka, iyo inuu hoos u dhigo maalgashiyada adduunka ee muddada fog wax ka tari laheyd nolosha dad fara badan.

"Taasi waa sababta ladagaalanka musuqmaasuqa uu u yahay hadafka ugu muhiimsan ee shaqada USAID ee Ukraine," ayay tiri maamule Power. Barnaamijyada hada socda waxay ka shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa adeegyada bulshada, loo kobcin lahaa dib u habeynta hey’adaha dowladda, looguna gacan gelin lahaa ilaha dhaqaalaha dowlada mas'uuliyiinta maxalliga ah kuwaasoo yeelan doona dareenka ugu wanaagsan ee sida ugu wanaagsan loogu maamuli karo ama loo taageeri lahaa bulshada rayidka ah iyo dib u qaabeeyayaasha warbaahinta - ururrada sida Xarunta La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

Si horay loogu sii socdo, USAID waxay barbar istaagi doontaa guddi howleed ka hortagga musuqmaasuqa si loo xoojiyo, loona tayeeyo howlaha la dagaallanka musuqmaasuqa guud ahaan hay'adda, iyadoo laga duulayo aqoonta khubarada ugu sareysa gudaha iyo dibaddaba, si looga hortago musuqmaasuqa ka jira Ukraine iyo wixii ka baxsan.

Kooxda la dagaalanka musuqmaasuqa waxay dib u eegi doontaa barnaamijyada hada socda ee USAID, si loo ogaado sida ugu wanaagsan ee kaalmada shisheeye loogu adeegsan karo xadidaadda iyo kahortaga musuqmaasuqa. Guddiga hayaa sidoo kale horseedi doonta isdhexgalka hababkii ladagaalanka musuqmaasuqa ee dhamaan barnaamijyada waaxda ee USAID isla markaana dhisi doona qaab jawaab deg deg ah ka bixisa kana faa’ideysata fursadaha deg degga ah ee dib u habeynta dimuqraadiyada iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.

Miisaaniyadda cusub ee Madaxweyne Biden uu ugu talagalay dadaalka cusub ee lagula tacaalayo musuq maasuqa ayaa gaareysa $ 50 milyan. Mareykanku wuxuu rajeynayaa inuu ballaariyo ballanqaadyadan isla markaana ku dhiirrigeliyo dalalka kale in ay kaalin ka qaataan dagaalka musuqa, marka ay isku arkaan shirka madaxeedak soo socda ee dimoqraadiyadda, kaas oo uu shir-guddoomin doono madaxweyne Biden, kaasoo lagu raadin doono ballan-qaadyo lagu horumarinayo dimoqraadiyadda, lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

“Waxaan rabaa in qof kasta oo ka mid ah madaxan uu ogaado, in Mareykanka uu garab taaganyahay qof walba oo si geesinimo leh uga shaqeynaya si uu u dhisi lahaa duni ay ka jirto caddaalad ku dhisan daacanimo iyo dimoqraadiyad” ayuu tiri maamulaha USAID.

XS
SM
MD
LG