Accessibility links

Breaking News

Biden oo sheegay in musuq-maasuqa uu halis amni yahay.


biden
biden

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Sababtoo musuq-maasuqu wuxuu khatar toos ah ku yahay amniga qaranka Mareykanka, la dagaallanka aafadan adduunka waa muhimadda koowaad ee siyaasadda Biden-Harris ee gudaha iyo siyaasadda arrimaha dibedda. Sidaa darteed, 3-dii June Madaxweyne Joe Biden wuxuu soo saaray qoraal daraasad Amniga ah oo ku saabsan la dagaalanka Musuq-maasuqa, isagoo markaa gundhigaya la-dagaallanka musuq-maasuqa oo ah danta ugu weyn ee amniga qaranka Mareykanka.

Qoraalkaa waxaa lagu faray saraakiisha sar-sare ee dowladda inay horumariyaan istiraatiijiyad dhan oo dowladda oo lagula tacaalayo aafadan.
Musuq-maasuqu waa aafo guud ee tuba nuugta inta u dhaxeysa 2 iyo 5 boqolkiiba wax-soo-saarka gudaha ee guud ee caalamka .

Inkasta oo aanu jirin dal adduunka ka mid ah oo ka madax bannaan musuq-maasuq haddana kharashyada musuq-maasuqu waa kuwa ugu culus ee ku dhaca dadka adduunka ugu nugul.

Inta badan kharashka ayaa ugu sarreeya waddamada awood u yeelan kara ugu yaraan diidmada ilaha muhiimka ah ee meelaha sida adeegyada bulshada ama daryeelka caafimaadka sida ay xustay Maamulaha USAID Samantha Power musuq-maasuqu wuxuu wadamada soo koraya ka dhaca qiyaastii $ 1.26 trillion sanadkii.

Xoojinta adkeeysiga dimuqraadiyadaha ixtiraamaya xuquuqda waa mid ka mid ah loolanka qeexaya xilligeenna," ayuu madaxweyne Biden ku qoray bayaan weheliyey sii-deynta qoraalka daraasadda Amniga Qaranka ee La-dagaallanka musuq-maasuqa.

Musuqmaasuqu wuxuu sii kharibaa aasaaska bulshooyinka dimoqraadiga ah wuxuuna yareeyaa dowladnimada wax ku ool ah iyadoo uu dayaco hantida dadweynaha sii xumeeyaana sinnaan la'aanta ka jirta helitaanka adeegyada taasoo ka dhigaysa inay ku adkaato qoysaska inay wax u qabtaan kuwa ay jecel yihiin.

Musuq-maasuqu wuxuu weerarayaa aasaaska hay'adaha dimoqraadiga ah, wuxuuna xoojiyaa xagjirnimada iyadoo uu u fududeeynayo maamulada kali-taliska ah inay daciifiyaan maamulka dimoqraadi ah.

Mareykanku wuxuu horseedi doonaa tusaale iyo iskaashi uu la yeesho xulafada bulshada rayidka ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loola dagaallamo aafada musuqmaasuqa. Laakiin tani waa hawl u socota adduunka oo dhan iyo waa inaan dhammaanteen u istaagnaa taageerada muwaadiniinta geesinimada leh ee adduunka oo dhan oo dalbanaya dowladnimo daacad ah, oo hufan ayuu madaxweeyne Biden ku yiri qoraalkiisa.

Xaqiiqadii qoraalkan ayaa tilmaamaya in sharikadaha gaarka loo leeyahay ay leeyihiin door muhiim ah oo ay kaga aadan dagaalkan.

Dowladda Mareykanka ayaa soo qaadi doonta sharciga shirkadaha Mareykanka, iyadoo looga baahan yahay inay horumariyaan hufnaanta maaliyadooda macluumaad shaqo wadaag ahna la sameeynaya dawlada lana wadagayaan waaxda maaliyada waa kuwa qaadanaya faa’iidooyinka lahaanshaha xitaa haddii cinwaanka sharciga ah ee hantida uu leeyahay qof kale.

“La dagaallanka musuqmaasuqa ma ahan oo keliya maamul-wanaagga Waa isdifaacid Waa waddaninimo, waxayna muhiim u tahay dhowrista dimuqraadiyadda iyo mustaq-balkeenna. ”

XS
SM
MD
LG