Accessibility links

Breaking News

Ka caawinta dunida inay la dagaalanto COVID-19


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Kulankoodii ay dhawaan ku yeesheen Britain, kooxda dimuqraaadiyada lagu yaqaano ee G7+ waxay isla qaateen inay wadaagaan ugu yaraan 870 million oo xabo oo ah talaalka Covid-19, talaalkani oo lagu ladhay balanqaadyo la sameynayay tan iyo bishii Feberuary ee sanadkan 2021, ayaa koobsan doona kaalmada in ka badan hal billion oo xabo sanadka soo socda,
Maraykanku waxa uu ku tabaruci doonaa kala badh.

“Waxyaabaha mudnaanta caalamiga ah noo leh waa dedejinta bilowga talaal badqaba oo waxtar leh, la heli karo islamarkaana la awoodi karo oo ay helaan wadamada saboolka ah, ma jiro door ka balaadhan talaalka oo u wanaagsan guud ahaan dunida” Hogaamiyeyasha G7 ayaa war ay soo saareen sidaasi ku qoray.

Madaxweyne Biden ayaa soo dhaweeyey balanqaadka taariikhiga ah oo raacay shaacintiisii uu ku hor kacayay kulanka ee ahayd in Maraykanku uu soo iibin doono nus billion xabo oo ah talaalka Pfizzer/BioNTech si loogu deeqo ku dhawaad 100 dal oo ay ku jiraan 92 uu dhaqaalahoodu uu hooseeyo ama uu meel dhexaad yahay, kuwaasi oo si xoogan ugu baahan dagaalka ka dhanka ah xanuunka faaafay, Sida uu madaxweynuhu uu hoosta ka xariiqay Maraykanku waxa uu samayn doonaan iibkii hal mar ahaa ee ugu balaadhnaa iyo deeqdii talaalka Covid-19 ee uu wadan sameeyo abid.

“Nus billion-kan talaalka ah waxa la bilaabi doonaa in la diro bisha August sida ugu dhakhsaha badan ee Marka ay warshada ka soo baxaan” ayaa uu idhi Madaxweyne Biden.

“Laba boqol oo million oo ka mid ah talaalkan waxa la diri doonaa sanadkan 2021-ka, halka 300 oo million ka badana la diri doono bilowga hore ee sanadka 2022-ka”

Maraykanka waxa ka go’an inuu ugu deeqo nus billion talaalka Covid-19 ee shirkada Pfizer dagaalka dunida ee xanuunkan, taasi oo xaga sare ka galaysa ugu yaraan 80 million oo xabo oo uu hore u shaaciyay maddaxweyne Biden iyo laba billion oo dollar oo ah maalgalin uu Maraykanku u fidiyay inuu ku taageero COVAX, oo ah hanaan caalami ah oo lagu gaadhsiinayo isagoo bad qaba islamarkaaana waxtar leh talaalka Covid-19.

Shaacintan cusub ee ay ku yabooheen dalalka G7 ayaa macnaheedu uu yahay in ilaa iyo sanadkii 2020 bahda G7 ay ka go’nayd maalgalinta iyo u fidinta in ka badan 2 billion oo talaal dunida, G7 ayaa sidoo kale ay ka go’antahay balaadhinta wax soosaarka maxaliga ah ugu yaraan hal billion oo xabo oo ah talaal badqaba islamarkaana waxtar leh sanadkan 2021 iyo 2022-ka, kuwaasi oo ay ku jiraan iyadoo la kaashanyo kudlada talaalka iska kaashaday ee Maraykanka, Australia, India iyo Japan.

Madaxweyne Biden ayaa hoosta ka xariiqay inay jiray isfaham cad oo u dhaxeeya iskaashatada G7 taasi oo balanqaadkoodii dhawaa aanu xusin soo afmeerka dedaaladooda lagagag adkaanayo Covid-19. Tani ayaa uu shaaciyay inay noqon doonto mashruuc joogto ah muddo dheer”

XS
SM
MD
LG