Accessibility links

Breaking News

Ururka OAS oo taageeraya dagaalka Nicaragua ee dimoqraadiyadda


Tani waa faallo tarjameysa aragtida dowladda Mareykana.

Dalalka xubnaha ka ah Ururka Wadamada America ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday si ay u taageeraan shacabka dalka Nicaragua kuwaas oo dagaal ugu jira helitaan doorasho xor iyo xalaal ah iyo in la ixtiraamo xuquuqda aadanaha iyo la xisaabtanka.

Maamulka kaligii taliye Ortega-Murillo wuxuu maalinba maalinta kasii danbeysa noqonayaa mid shacabka Nicaragua caqabad ku ah, cuburin iyo dulmina warkeeda daa. Sidaasi daraadeed, Madaxweyne Daniel Ortega, oo hadda ku jira muddo xileedkiisii afraad ayaa waxaa kusii xoogeysanaya mucaaraddada uu la kulmayo.

Doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ayaa loo ballansanyahay bisha November ee sannadkaan, sidaasi daareeed. Ortega ayaa hadda bartilmaameedsanaya cid walbaa oo iskudayda in ay hor-istaagto.

Qaraarki ugu danbeeyay ee kasoo baxay dallaka xubnaha ka ah Ururka Wadamada America ee loo soo gaabiyo OAS ayaa cambaareeyay cadaadiska uu rajiimka Ortega-Murillo ku hayao dadka Nicaragua, iyaga oo ugu baaqay in si dag dag ah loo soo daayo afar musharrax oo dhawaan xabsiga la dhigay.

Cristiana Chamorro, Arturo Cruz, Félix Maradiaga, iyo Juan Sebastian Chamorro iyo dad ka badan 130 siyaasiyiin ah ayaa hadda xabsi ugu jiro arrimo siyaasadeed. Ururka OAS ayaa sidoo kale ku boorriyay rajiimka in uu soo gaba gabeeyo cagajugleynta iyo handadaadda u uku hayo xisbiyada siyaasadda iyo warbaahinta madaxa bannaan. Haddaba iyadoo ay doorashada soo dhawdahay rajiimka Ortega-na uu madaxa kaga istaagsanyahay shacabka isla markaana aysan muuqan dhicitaanka doorasho macna leh oo xalaal ah, warbaahinta xorta ahna ay meesha ka maqantahay ayaa waxaa iska cad inaysan dhici doonin bisha November doorasho xor iyo xalaal ah.

Tamara Davila, oo ah mid ka mid ah hogaamiyaasha mucaaridka ee la xiray ayaa loo cuskaday qabashadeeda qaanuun cusub oo dadka kasoo horjeeda Ortega ka dhigaya in ay dalka kala galeen khiyaano qaran. Khiyaano qaran ayaa dalkaasi ciqaabtiisu ay tahay xasbi 15 sano ah.

Sii hayaha xilka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Galbeedka Loolka Galbeed Julie Chung ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri: “Xariga xubnaha mucaaridka waa qeyb ka mid ah ololaha argagixinta ee madaxweyne Orgeta”.

Dowladda Mareeykanka ayaa tiri “Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, si xoog leh ayuu u taageeray baaqa kasoo baxay Golaha Dalalka America eek u socday madaxweyne Ortega si loo qaado tallaabo deg deg ah oo dib loogu soo celinayo xushmadda xuquuqda aadanaha iyo abuurista jawi ay ku dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.”

“Waxaa la gaaray xilligii uu rajiimka Ortega baddali lahaa wadiiqada uu ku socda, isla markaana uu qaddarin lahaa dastuurka dalkiisa” ayuu yiri Blinken.

Dowladda Mareykanka waxay rajeyneysaa in ay sii wadda la shaqeynta dalalka xubnaha ka ah ururka OAS iyo sidoo kale dowladaha dimoqraadiga ah ee caalamka si loo helo xorriyad ay ku neefsadaan shacabka reer Nicaragua. Ficillada Ortega iyo Murillo boos ugama bannaanka cirifka galbeed ee adduunka.

XS
SM
MD
LG