Accessibility links

Breaking News

Xididdo u siibidda Kooxda Daacish


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dabayaaqadii March 2019, kooxda Daacish ayaa waxaa asiibay guul-darro dhuleedkeedii kama dambeysta ahaa ee kasoo gaartay Syria. Inkasta oo ay lumisay dhul ay mar maamuleysay, haddana khilaafaddeeda been-abuurka ah weli xididada looma siibin.

“Tan iyo markii Isbaheysiga Calaamiga ah ee ka adkaanshaha Daacish la abuuray 2014…kumanaan rayid ah ayaa awood u yeeshay inay guryahooda ku laabtaan. Dhaq-dhaqaayada dagaalyahanada ajnabiga ah ee Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraq ayaa inta badan istaagay. Islamarkaana hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Daacish ayaa la dilay ama la qabtay. Guulahan waa kuwa muhiim ah oo ka tarjumaya waxa suurta-galka ah marka aan isugu nimaano qaddiyad guud oo leh ka go’naansho la wadaago,” waxaa sidaas yiri Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken oo ka hadlay kulanka heer wasiir ee Isbaheysiga Caalamiga ah ee ka adkaanta Daacish. Si kastaba, “Weli waxaa jira shaqooyin u baahan in la qabto,” ayuu ku daray Blinken.

Kooxdan argagixisada ah iyo kooxaha ku xiran ayaa weli isku dayaya inay xoojiyaan saameyntooda Afghanistan, ay sii wadaan isku ballaarinta gobolka Sahel ee Afrika, ayna kooxo ku xiran ka aas-aasaan dalalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Mozambique.

Isbaheysiga ayaa sii wada shaqadiisa xakameynta awoodda argagixisada ay ku ururin karto dakhli, sare ugu qaadi karto akhbaaraha ay wadaagaan argagixisada, islamarkaana kula dagaalamayo dacaayadda wasaqeysan ee Daacish.

Xoghaye Blinken ayaa yiri “Waa inaan dib u xaqiijinaa ka go’anaanshaheyna, oo ay ku jirto howlgalka wax ka qabashada, howlgal dheeri ku ah kan NATO ee IRAQ, oo aanu dhisnaa awood ka-hortag argagixiso oo ay rayidka hoggaaminayaan.”

“Marka labaad, waa inaan dib u cusbooneysiina taageerada isbaheysiga ee kaalmooyinka xasilinta Iraq iyo Syria, si aan u xaqiijino in Daacish aysan dib uga soo bixin dalalkan,” ayuu yiri Blinken.

Marka saddexaad dalalka ay kasoo jeedaan, waa inay la macaamilaan 10,000 oo ah dagaal-yahano iyo qoysaskooda oo lagu hayo xerooyin iyo xarumo barakacayaal. “Xaaladda waa mid aad u liidata,” ayuu yiri Blinken.
Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa inay ku booriso dalalka ay kasoo jeedaan, oo ay ku jiraan kuwa saaxiibka nagula ah isbaheysiga inay dib u ceshtaan muwaadiniintooda, oo ay dhaqan celiyaan, oo ay dib ugu dhex milaan qoysaskooda, islamarkaana marka ay munaasab tahay ay maxkamadeeyaan dagaal-yahanada ajnabiga ah.

Ugu dambeynta, Isbaheysiga waa inay si wax ku ool ah uga hortagaan Daacish meelaha ay dhowaanahan diiradda ku saartay dadaalladeeda ee ka baxsan Iraq iyo Syria. “Waa inaan arrintan ku gaarnaa xagal kasta oo suurta-gal ah.”

Dowladda Mareykanka waxay ka mahad-celineysaa iskaashiga iyo ballan-qaadyada looga adkaanayo Daacish, meel kasta oo dunida ka mid ah. Xoghaye Blinken ayaa yiri “Waxaan sameynay horumar weyn, sababtoo ah waan wada shaqeyneynay.sidaas darteed, waxaan rajeyneynaa…inaan sii wadno dagaalka ka dhanka ah ururka argagixisada illaa si buuxda looga adkaado.”

XS
SM
MD
LG