Accessibility links

Breaking News

Ilaalinta Shimbiraha hijrooday ee Reer Galbeedka


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Sidee ayey dunidu ahaan laheyd shimbiro la’aan? Shimbiruhu qurux oo kaliya ma ahan, waxa ay sidoo kale muhiim u yihiin beeraha, iyagoo ka caawiya ilaalinta isku-dheelitirka deegaanka. Shimbiraha ayaa xakameeya cayayaanka, firdhiya abuurka, islamarkaana uumiya dalagyada qaar. Maxaayeelay waxa ay shimbiruhu u nugul yihiin isbadallada ku dhaca deegaankooda, iyo hawo wasakhowga, khubarada bey’ada ayaa ula socda isbeddellada ku yimaada shimbiraha si uu ugu noqdo tilmaanta u horreysa ee dhibaatooyinka deegaanka ama bay’ada.

Laakiin shimbiraha, gaar ahaan shimbiraha u haajira deegaannada fogfog ayaa dhibaato wajahaya. 50-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa sii yaraanayay tiradooda. Saynisyahannada ayaa ku qiyaasa in ilaa sanadkii 1970-kii aan luminnay ilaa 3 bilyan oo shimbiro ah.

Khataraha badan ee soo foodsaaraya shimbiraha haajira ayaa waxaa ka mid ah in la waayo, in ay ka kula baadaan deegaankooda, ay ku dhacaan dhismayaasha, ku sumoobaan kiimikada sunta ah; ugaarsiga noocyada xayawaanka ee duullaanka qaada, iyo isbadalka cimilada adduunka.

Shimbiraha safra ama haajira ayaa waxaa lagu ilaaliyaa Sharciga Shimbiraha Socdaala ee 1918 (the Migratory Bird Treaty Act of 1918) iyadoo Mareykankuna uu hirgeliyo heshiisyada laba geesoodka ah ee ku saabsan socdaalka shimbiraha kuwaasi oo uu la galay dalalka Canada, Mexico, Japan, iyo Russia. Si kastaba, shimbiraha ayaa wali u baahan ilaalin dheeri ah. Sanadkii 2000, Congress-ka ayaa ansixiyay sharciga the Neotropical Migratory Bird Conservation Act, or NMBCA, kaasi oo ilaaliya 341 nooc oo ah shimbiraha guur-guura: shimbirahaasi ayaa waxa ay ku dhalaan waqooyiga Ameerika, iyadoo xilli qaboobaha ay ukumo dhigaan deegaannada kulul ee Waqooyiga, Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika.
NMBCA, oo ay maamusho Adeegga Kalluunka iyo Duurjoogta ee Mareykanka (the U.S. Fish and Wildlife Service) ayaa dejiya barnaamij sannadle ah, oo ah deeq loo tartamo taasi oo ku aadan sidii lagu taageeri lahaa mashaariic dhiirrigelinaya ilaalinta iyo badbaada shimbiraha haajira ee neotropical iyo bey’adda deegaankooda.

Barnaamijka ayaa u qaabeysan in ugu yaraan 75 boqolkiiba uu maalgelintiisa mashaariicda u diro dalalka Latin America iyo Caribbean-ka, halkaasi oo deegaanka oo baaba’aya iyo khataraha kale ee shimbiraha socdaala ay wajahaan ay yihiin kuwa sii kordhaya, ayna yar tahay mashaariicda maaligelinta ee lagu ilaaliyo. Maadaama uu barnaamijku ka howlgalaa gabi ahaan gobolka Western Hemisphere, waxa uu taageeraa baahiyaha nolosha ee dhameystiran ee shimbiraha isaga kala goosha guud ahaan marinkan.

NMBCA ayaa ah barnaamij deeq lacageed, kaasi oo soo jiita maalgelin ka timaadda ilo badan oo aan ahayn dowladda. Sannadkan, in ka badan $ 4.8 milyan oo ka timid maalgelinta dowladda federaalka ayaa waxaa wehliyay $ 22.5 milyan oo ay bixiyeen tabaruceyaasha barnaamijka. Lacagtani ayaa lagu qarash gareyn doonaa ilaa 30 mashruuc oo daryeelka wadajirka ah kaasi oo ka shaqeeya 23 dal oo ku yaalla qaaradda Ameerika oo dhan taasi oo gacan ka gaysaneysa ilaalinta iyo maareynta shimbiraha iyo bey’dda deegaanka ay ku nool yihiin.

“Waxa ka dhaca Latin America iyo Caribbean-ka ayaa saameeynaya shimbiraha deegaanadeenna soo booqda gu’ iyo xagaa kasta," ayay tiri Ku-xigeenka Maamulaha Adeegga Kalluunka iyo Duurjoogta Mareykanka Martha Williams. “Deeqahani waxa ay taageeri doonaan mashaariicda iskaashi ee badbaadinta iyo cilmi baarista ee guud ahaan gobolkan.”

XS
SM
MD
LG