Accessibility links

Breaking News

Xoriyadda Warbaahinta Burma oo weerar lagu hayo


Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Dawladda maraykanku waxay soo dhawaysay in dhawaan xabsiga laga sii daayay wariye Nathan Maung, oo haysta dhalashada dalka Maraykanka, oo ku xidhanaa xabsi ku yaala dalka Burma tan iyo 9 kii bishii March.

Wariye Maung, waa mid ka mid ah aas-aasayaasha islamarkaana ah tifatiraha guud ee wargeys dhinaca Internet ka laga daalacdo oo lagu magacaabo Kamayut Media, waxana wali xabsiga ku jira saaxiibkii Hanthar Nyein, oo ay wargeyska wada sameeyeen.

Suxufiyiintan ayaa la kulmay xabsi iyo cadiidis adag iyaga oo lagu eedeaeyay faafinta warar aanay xukuumadda Burma raali ka ahayn.

Inkasta oo Nathan Maung, uu xornimadiisii helay, oo uu dib ugu soo laabtay dalkan Maraykanka, hadana waxa wali dalka Burma ku xidhan Daniel Fenster, oo isaguna haysta dhalasha maraykanka.

Daniel, ayaa lagu qabtay gegida diyaaradaha 24kii May, isaga oo ku soo laabanaya dalka Maraykanka xili uu booqasho ugu tagay ehelkiisa oo ku sugan dalkaasi Myanmar ama Burma.

Afhayeenka waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka Ned Price , oo shir Jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Military ga Burma qabsaday in ay xorriyadiisa u soo celiyaan Daniel Fenster, isla markaana u ogolaadaan inuu si nabad gelyo ah ugu soo noqdo dalka Maraykanka.

Xadhigga Suxufiyiintan dhalashada Maraykanka haysta ayaa qayb ka ah olole ay military ga Afgambiga ku qabsaday dalka Burma ay si joogto ah xabsiga ugu taxaabayaan wariyeyaasha, tan iyo 1dii Bishii February, sida ay sheegeen gudiga ilaalinta wariye yaasha.

Tobanaan wariye ayaa haatan Jeelasha ku jira, waxaana ka mid ah wariye taal gudaha dalkaasi ka hawl gali jiray sida Aung Kyaw, Zaw Zaw, iyo Min Nyo, oo ay dhawaan maxkamadda Military gu ku riday xukun u dhexeeya laba ilaa saddex sano oo xadhig ah.

Xukunkooda waxa loo cuskaday xeerka Ciqaabta, iyadoo lagu eedeeyay in wararkii ay faafiyeen sahabi karaan in dawladda laga soo hor jeesto ama dadku daacad u noqon waayaan.

Sidoo kale maamulka military gu waxay ruqsadihii ay ku hawl galayeen kala noqdeen haayado warbaahineed.

Afhayeenka waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka ayaa hoosta ka xariiqay in warbaahinta madaxa banaani u adeegto dhismaha bulsho xor ah, oo ku naaloonaya Barwaaqo iyo xasilooni.

Waxaanu intaasi raaciyay in Afka la qabanayo xorriyadii hadalka iyo xorriyadii cabirka fikradaha.

Mr. Price, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, waanu xusaynaa dhamaan arrinka wariyeyaasha sida khaldan ugu xidhan dalka Burma, kuwaasi oo aanay jirin wax lagu haysto, marka laga reebo in ay gudanayeen shaqqoyinkoodii warbaahineed, iyadoo la og yahay in shaqadoodu ay muhiim u tahay ilaalinta xuquuqda iyo xornimada hadalka ee dadweynaha reer Burma.

XS
SM
MD
LG