Accessibility links

Breaking News

Suxufiyiinta oo halis wajahaya


Masih Alinejad
Masih Alinejad

Tani waa faallo ka tarjumeeysa aragtida dawlada Mareykanka.

Tani maahan qorshe filim fog laga soo maleegay ku xigeeenka madaxa FBI-da William Sweeney ayaa sidaasi ku yiri qoraal dhawaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Koofureed ee New York.
Waxaan ku eedeyneynaa koox ay taageerto dowladda Iran inay maleegtay afduubka wariye fadhigiisu yahay Mareykanka halkaan dhulkeena si xoog ahna loogu celiyo Iran.

Bartilmaameedka afduubka ayaa lagu sheegay inay tahay wariye Mareykan ah Masih Alinejad oo hada ku nool magaalada New York.
Muddo sanado ah waxay wariye ahaan uga shaqeyneysay Iran waxaana warinteeda ay ka careeysiisay Taliska Iran.

Tan iyo markii aay ka soo carartay dalkaa sanadkii 2019kii Alinejad waxay caan ku noqotay ololeheeda baraha bulshada ee ka dhanka ah xijaabka qasabka ah ee Iran waxay xitaa hadda ka shaqeeysaa oo ay wariye TV ka tahay barnaamij caan ah oo ka baxa VOA.

Xoghayaha saxaafada ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa cambaareysay shirqoolka la soo sheegay ee Iran ee qatarta ah waxayna ugu yeertay Iran "inay isku daydo inay aamusiso codadka kuwa sida nabadda ah uga shaqeynaya gudaha iyo dibaddaba ee naxdinta leh.

Iran ayaa kaalinta 174-aad ka gashay 180-ka dal ee 2021-ka tusmo Xuquuqda Saxaafadda Adduunka oo ay soo saareen Suxufiyiinta aan Xudduudda Lahayn.

Ururka u dooda xorriyadda warbaahinta ayaa soo xigtay dadaalada naxariis darada ah ee taliska uu ku doonayo in lagu xakameeyo suxufiyiinta oo ay ka mid yihiin su'aalo weydiin, xabsi iyo dil laakiin Iran ma aha dalka kaliya ee nolosha saxafiyiintu ay khatar ku jirto.

Sida Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareeykanka Antony Blinken xusay warbixintii ugu dambeysay ee Xuquuqda Aadanaha waxay xustay daraasiin kiis oo shaqaalaha warbaahinta ah oo la dhibaateeyey, la weeraray, loona dilay shaqadooda.

Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta ayaa sheegay in sannadka 2020 kii, tirada saxafiyiinta ee loo dilay aargudasho ay ku soo tabinayaan warbixintooda ay ka badan tahay laban-laab, iyadoo Mexico iyo Afghanistan loo arkay in ay ka dhaceen dilalkii ugu badnaa. Sida laga soo xigtay CPJ,

Tirada saxafiyiinta ee loo xiray war-tebintooda a sanadkii 2020 kii ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay tan iyo markii ururku uu bilaabay la socoshada, iyadoo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Turkiga iyo Masar ay xireen wariyeyaashii ugu badnaa sanadkii la soo dhaafay.

Kadib markii Masih Alinejad ay maqashay qorshaha afduubka ee ka dhanka ah, waxay wacad ku martay inay sii wadayso shaqadeeda. "Dhaawacyadan oo dhan waxay iga dhigayaan qof sii xoog badan taasi waa ruuxa saxafiyiin badan oo adduunka ah kuwas oo wadaya awoodooda run ka hadalka iyadoon loo eegin halista ayay tiri.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareeykanka Blinken ayaa yiri macluumaadka dhabta ah ee saxda ah ee ay bixiso warbaahinta madaxa banaan ayaa aasaas u ah bulshooyinka dimoqraadiga ah ee barwaaqada iyo nabadgelyada leh Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dowladaha inay hubiyaan amaanka warbaahinta isla markaana ilaaliyaan awooda suxufiyiinta si ay u gutaan shaqadooda iyaga oo aan ka cabsi qabin rabshado, hanjabaado ama xarig xaq daro ah. ”

XS
SM
MD
LG