Accessibility links

Breaking News

Gargaar cusub oo nolol badbaadin ah oo loo sameynayo dadka Venezuela


Linda Thomas-Greenfield
Linda Thomas-Greenfield

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Danjiraha Maraykanka u joogta xaruunta Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 407 milyan oo doolar loo qoondeeyay in lagu taageero dadka reer Venezuela ee ay saamaysay dhibaatada dhaqaale ee uu abuuray maamulka madaxweyne Maduro.

Dhibaatadan dhaqaale ayaa sababtay in malaayiin dad ah ay ka qaxaan dalkaasi, iyada oo kuwa ku hadhay gudaha dalkuna ay baahi la il-daranyihiin.
Dalkan ayaa qarnigii tagay ka mid ahaa dalalka ugu dhaqaaalaha badan Latin America.

Laakiin tobanaankii sanadood ee u dambeeyayayaa waxaa saameeyay musuqmaasuqa dowladda madaxweyne Nicolas Maduro.

Maanta inta badan dadweynaha dalkaasi ma haystaan raashin ay cunaan, sidoo kale waxaa burbur ku dhow adeegii caafimaadka, tan iyo 2015kii ku dhawaad lix milyan oo qof ayaa ka cararay dalkaas.

Lacagtan ay dowladda maraykanku ku yaboohday ayaa lagu caawinayaa dadka ka cararay dalkaas oo kukala sugan 17 dal oo ku yaalla Latin America.

Lacagtan ayaa sida ay dowladda Maraykanku sheegtay wax loogu qaban doonaa dadka taagta daran sida haweenka iyo caruurta, iyada oo sidoo kale lagula tacaali doono ka hortagga COVID19.

“Maanta, waxaan marlabaad xaqiijinayaa sida ay dowladda maraykanka uga go’antahay inay caawiso qaxooti Venezuela iyo dadka soo dhaweeyay, iyo kuwa gudaha ku hadhay ee ay dhibaatadu haysato., waxaan mar kale xaqiijnaya inay naga go’antahay in si nabadgaliyo ah lagu xaliyo dhibaatada dalkaas ka taagaan lana helo xal siyaasadeed” ayay tidhi danjiraha maraykanka u joogta Qaramada Midoobay Ambassador Thomas-Greenfield

XS
SM
MD
LG