Accessibility links

Breaking News

Warbixinta ka hortagga xasuuqa iyo arxan-darrada ee 2021


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dhowaan soo saartay warbixnteeda Congress-ka ee sanadkan 2021-ka, iyadoo la tixraacayo sharciga ka hortagga xasuuqii Elie Wiesel Genocide iyo dambiyada la xiriira ku xadgudubka binu’aadamka.

Ku simaha kaalliyaha xoghaya ee howlaha khilaafaadka iyo xasilloonida Robert Faucher, ayaa sheegay in tallaabadan ay xusuusin u tahay horumarka ay ka sameynayaan ka hortagga xasuuqa iyo tacaddiyada ka dhanka ah binu’aadanimada.

Waxuu intaasi ku daray, in warbixinta sanadkan ay tooshka ku ifineyso dalal dhowr ah oo ay xasuuqyo ay ka dhaceen sanadihii u dambeeyay, sidaas darteedna ay wali halis ugu jiraan tacaddiyo intaas ka badan.

Robert Faucher oo sii hadlay ayaa yiri “ Tusaale ahaan warbixinta waxay fiiro gaar ah siinaysaa Xinjiang, halkaas oo Jamhuuriyadda dadka ee China ay horay uga geysatay xasuuq, walina ay kasii waddo dilka iyo dambiyo ka dhan ah binu’aadanimada ee lagula kacayo qowmiyadda Uyghurs-ka, kuwaas oo badankood muslimiin ah iyo xubno qowmiyado kale kasoo jeedaa iyo sidoo kale kooxo diimeedyo laga tiro badan yahay.”

Warbixinta xasuuqa ayaa sidoo kale isha ku heysa falal dambiyeedyada naxdinta leh, kufsiga iyo ku xadgudbka xuquuqda aadanaha ee laga soo wariyay gobolka Tigray ee Ethiopia, kuwaas oo ay kujiraan weerarro aan kala sooc laheyn oo lagu qaaday dadka rayidka ah, shaqaalaha gurmadka caafimaadka iyo samafaleyaasha gargaarka binu’aadanimo ee halkaasi ka howglayay.

Warbixnta waxay indha kusoo jeedinaysaa cadaadiska iyo xudgudubka adag ee taliska milatariga ee Purma uu kula kacay dadka banaanbaxyada nabadeed dhigaya iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ee dalkaasi. Qaar badan oo kamid ah maamulka milatariga ayaa ka mas’uul ah isir sifeynta ka dhanka ah musliimnta Rohingya iyo tacaddiyada lagu sameynayo qowmiyadaha diimaha laga tirada badan yahay.

Faucher ayaa sheegay, iyadoo lasoo gudbinayo warbixintan, in Mareykanka uu dib u xaqiijinayo, in ka hortagga xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah binu’aadamka waajib laga dhigo in safka hore laga galiyo dadaallada nabadda iyo ammaanka.

"Dambiyada arxan darrada ah waxay sababaan qatarta ugu weyn ee ku jiheysan sharciyada ku salaysan nidaamka caalamiga ah kaas oo gacan ka geysanaya nabad kusoo dabbaalida iyo baraaraha in ka badan todobaatanka sano ee soo socotda.”

Farsamooyinka ka hortagga ayaa waxaa kujira guddi howleed kasii digaya xasuuqa oo uu hogaaminayo Aqalka Cad, kaas isku xiraysa dhamaan tallaabooyinka ay dowladda u qaadayso si looga hortago, ama loo yareeyo gumaadka loogana jawaab celiyo.

Mareykanka wuxuu tababaray kumanaan diblomaasiyiin horumarinta ah iyo xirfadleyaal dhanka difaaca ah oo qabanaya howsh muhiimka ah ee ka hortagga. Sawirada dayax gacmeedka ayaa loo siticmaalayaa si looga sii digo tacaddiyada suurtagalka ee dhici kara iyo gargaarka naf badbaadinta ah ee loo dirayo difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo hogaamiyeyaasha bulshada rayidka ee caga-jugleynta iyo halista kala kulmaya maamullada kali taliska ah.

Faucher ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkan wadajirka ay u qaadeen ay hal tallaabo u jirsiinayaan inaysan walgeed mar kale dhicin.
Mareykanka waxaa ka go’an inuu yareeyo halista xasuuqyada mustaqbalka iyo joogetayta rabitaanka, abuursita xaalado nabad gelyo oo badan iyo baraaraha dunida.

XS
SM
MD
LG