Accessibility links

Breaking News

Taageeridda horumar la joogteyn karta


Dowlada Mareykanka waxaa ay si xoogan u taageeraysaa qorshayaasha Qaramada Midoobe ee ah in la helo horumar joogto ah, sida ay sheegtey haya’da Maareyso horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka Samantha Power ayaa dhowaantan hadaladii ay jeedisey looga hadlay fagaaraha siyaasadda ee horumarka joogtada ah ee Q.M.

Si kasta oo ay ahaataba, Power ayaa dul istaagtey saddex caqabadooda oo qoto dheer oo horyaalo in la helo hadafyada horumar joogto ah kuwaasoo kala ah Waxyeeladda Xanuunka Covid-19, kor u kaca diktatooriyada iyo musuqmaasuqa, iyo sidoo kale isbedelka Cimilada.

Ayadoo laga jawaabayo Covid-19, ayaa Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqey in dowlada mareykanka ay siinayso ilaa iyo Nus Bilyan tallaalka Pfizer kuaasoo la siinayo dalal gaarayo 92 ahna kuwa ku jiro dhaqaalaha hooseeyo ama heerka dhexe kuwaasoo loo marinayo Midowga Africa.

Tallaalkan waa kuwa siyaaso ku ah 80 Million oo qiyaasood oo tallaal ah oo hore loo balanqaadey, iyo $2 Billion oo dhaqaalo ah Mareykanka ay ugu deeqdey dadaaladan la rabo in tallaalka lagu gaarsiiyo gobolka.

Xaaladda Covid19, waa arin deg deg ah, ayay tiri hoggaamiye Power. “lama dagaalayno oo kali ah xanuun; waxaanse la dagaalamayna inaan meel dhigno tobonaan sano oo horumar ah

“COVID-19 waxuu kor u qaadey heerka saboolnimo, asagoo ku riixey 124 Milyan oo dad ah gaajo iyo saboolnimada ba’an ku kudhowaad 30 sano. Waxaa sidoo kale xanuunka uu ka joojiyey Iskuuladii in ka badan Hal Bilyan oo caruur ah, waxaana suuragal ah in Malaayiin ka mid ah ardeydaasi oo gabdho ah aysan waligood dib ugu noqonin Iskuulada."

Waxaa intaasi dheeri ka ah, Covid19 waxuu siiyey fursad inay madax dallal ay dib u dhigaan doorashada, Waxuu xadidey kulamadii xorta ahaa, waxuuna aamusiiyey warbaahinta.

Power waxaa ay sheegtey, “Waa inaan ka taxadar naa caburinta hadda socoto waayo waxaan la soconaa in dimoqraadiyada iyo ixtiraamka dowladda ee arrimaha Xuquuqul Insaanka ay muhim u tahay hourmar waaro oo loo dhanyahay. Dalalka leh dowlado aanan wax ku ool ahayn, musuqmaasuqa baahsan iyo ku dhaqan la’aanta sharciga, ayaa ah kuwa leh 30-45 Boqolkiiba halis sare oo ah dagaal sokeeye, iyo sidoo kale halis sare oo ah rabshadaha dambiyada xad-dhaafka ah.

Dambiyada kale waa Musuqmaasuq. Waxuu xadidaa kororka dhaqaalaha, waxuu na dhuunta qabtaa maalgashiga, waxey damisaa is aaminka lagu qabo hay’adaha dowliga ah, waxana lagu dhacaa hantida gaar ah iyo tan guud, waxeyna taageertaa kuwa awoodaha leh iyo kuwa ku tunto xuquuqul insaanka.

Marka la eego xaaladda Cimilo wasaqoowga, waxaa dowlada Mareykanka ay hoggaaminaysaa dagaalkan ayadoo balanqaadey inay dhimayso Gaaska keeno wasaqowga cimiliada 50 ilaa iyo 52 boqolkiiba, laga bilaabo sanadka 2005 ilaa iyo 2030

“Caqabadaha haysto horumarkeena waa Caqabado la wadaago,” ayey tiri Power. “Wada jir, waa inaan uga dhabaynaa balanqaadyadii heshiis ee Ajandayaasha sanadkan 2030 ee ahayd in la helo horumarka joogtada ah oo loo bedelo nolol fiican oo ay dadka dunida ku noolaadan.”

XS
SM
MD
LG