Accessibility links

Breaking News

Xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Afrika


Tani waa Faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka

Wakaaladda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka ayaa muddo 60 sano ah kala shaqeyneysay saaxiibadeeda qaaradda Africa horumarinta hay’adahooda iyagoo u maraya hannaanka maalgalinta waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo tamarta.

Kaalmada hay’adda USAID ayaa waxay hoos u dhigtay heerka xanuunnada HIV iyo malariyada, waxaana malaayiin dad ah ka dul qaadday halista faqriga,.

Sidoo kale kaalamada USAID ayaa dalalka Afrika ka caawisay inay diiwaan galiyanaan kororkii ugu badnaa ee ardayda loo qoray iskuulada hoose ee gobol walba oo dinida ah, sida maamulaha hay’adda USAID Samantha Power ay ka sheegtay shirka madaxeeka ganacsiga Mareykanka ee Africa.

“Ballan qaadkeenna aan kala joogisga laheyn iyo dadaalkeenna waqtiga dheer ee Africa wuu sii socon doonaa, inta aan wadashaqeyn la leenahay waddamada si aan u qaadno dagaalka lagu curyaaminayo mowjadda saddaxaad ee xanuunka COVID19, dhismaha u adkeysiga dhibaatooyinka cimilada iyo xoojinta sharciga iyo kala dambeynta iyadoo qaaradda uu hareeyay qalqal daciifiyay dimoqraaiyadda.”

Laakiin hadda waxaa la joogaa xilligii xiriirka Mareykanka iyo Afrika uu horay uga sii socon lahaa inuu ku saleynaado arrimaha gargaarka una gudbo dhinaca ganacsiga ayay intaasi ku dartay maamule Power.

Waa inaan xoojinnaa xiriirkeenna dhinaca dhaqaalaha ee waddamadeenna, oo aan ku dhiirri galinayno maalgashiga dhaqaale, kaas oo aan marna la socon karin kaalmada shisheeye iyo inaan ka caawiino Africa inay xaqiiqsadaan awoodda ay wax ku qabsan karaan mustaqbalka iyagoo madax bannaan taas oo muddo dheer ay doonayeen.

Taasi waa waxa ka dambeeya olaha wadajirka ee dhismaha baraaraha qaaradda Aftica kaas oo looga dhawaaqay shir madaxeedka. Mareykanka wuxuu xoojinayaa barnaamijkiisa barwaaqeynta Africa iyadoo loo marayo, ololaha dhismaha wadajirka ah si kor loogu qaado dadaallada laba geesoodka ee ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya dalalka Africa iyo Mareykanka.

Iyadoo loo marayo baraaraha Africa, dowladda Mareykanka waxay maalgaliyeyaasha Mareykanka ku xiri doontaa ganacsiyada Africa ee u diyaarsan maalgashiga, Tani ayaa ka caawin doonta ganacsatada Mareykanka inay galaangal u yeeshaan suuqyada sida xowliga ah ku koraya ee qaaradda Africa iyo in kumanaan shaqo ay u abuuraan shaqaalaha Africa iyo Mareykanka.

Power ayaa sidoo kale sheegta in iyadoo loosii marayo olaha wadajirka ee dhismaha baraaraha Aftica, inay xoojin doonaan joogitaankooda waqtiga dheer si loo dhiso istratejiyad ganacsi iyo maalgashi buuxa oo ka xooggan kana amaan badan kaas oo loogu talagalay dalalka Africa iyo Mareykanka.

“Waxaan tani ku sameyn doonnaa iskaashi lala yeesho waddamada Africa iyo iyadoo la tixraayo mabaadii’da Mareykanka ee ku dhisan ixtiraamka labada dhinac. Madaxbannaanida qaranka, maamulka dimoqraadiyadda iyo sharafta shaqi ahaaneed, ee taasi ma aha micnaheeda mid lagu hormarinayo danaheenna ama lagu raadinayo in wax lagu baddasho.”

“Waxaan rumeysannahay dadalka Africa, awoodahooda iyo ganacsiga hal abuurrada cusub ee dadka African-ka ah,” ayay ku dhawaaqday maamule Power iyadoo sii raacisay hadda waa inaan u shaqeynaa si aaminaaddaasi aan ficil ugu baddalno ”

XS
SM
MD
LG