Accessibility links

Breaking News

Murugad dadka Belarus oo weli socota


lukashenka
lukashenka

Tani waa faallo ka tarjumeysa arragtida dowladda Mareykanka.

Waxa ka soo wareegtay sanad markii dalka Belarus ay ka dhacdey doorasho khayaano iyo wax isdabamarin ay ku dheehan tahay, taas oo beesha caalamku u aragtay inaanay xor iyo xalaal ahayn. Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Alyaksandr Lukashenka ayaa ka dhacay dalkaas, kaas oo loogu magac daray "kaligii taliyihii ugu dambeeyay Yurub".

Mudaaharaadyada waxaa lagu maquuniyay awood arxan darro ah oo uu ku kacay taliskii Lukashenka. Sida Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka warbixinteeda xuquuqda aadanaha ee 2020 ee ku saabsan qoraallada Belarus, ugu yaraan afar mudaaharaad sameeyayaal ah ayaa la dilay kumanaanna waa la xiray, qaar ayaa la kulmay garaacis, xadgudub galmo, iyo shoog koronto. Illaa maanta, in ka badan 600 oo qof ayaa si xaqdarro ah u xiran. Sannad -guuradii doorashada wax is dabamarinta, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken wuxuu ka xumaaday xarigga mudaaharaadayaasha nabdoon, xidhitaanka warbaahinta madaxa bannaan, iyo isku dayga masuuliyiinta Belarusiya ay ku aamusinayaan hay'adaha aan dowliga aheyn iyo bulshada rayidka ah.

Sida Xoghayaha Arrimaha Dibedda Blinken xusay, bilihii la soo dhaafay xeeladaha argagixisada ee nidaamka Lukashenka waxay gaareen meel ka baxsan xuduudaha dhulka ee Belarus. Bishii Maajo, mas'uuliyiinta Belarus ayaa leexiyay diyaarad ganacsi oo dul mareysay hawada Belarus ujeeddadiisu ahayd in la xiro wariye u dhashay Belarus.

Dhawaan, mas'uuliyiinta Belarusku waxay isku dayeen inay ku qasbaan Krystsyna Tsimanouskaya oo reer Belarus ah, inay dib si qasab ah dalka ugu soo celiyaan dalkeedi, taas Poland ka heshay fiiso bani'aadamnimo. Waxay dhalleeceyn jirtey Guddiga Olobmikada Belarus, iyadoo adeegsaneysa warbaahinta bulshada.

Iyada oo laga jawaabayo iska-indho-tirnaanta joogtada ah ee xuquuqda aadanaha iyo ku guul darreysiga Belarus inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, 9-kii Ogosto Xoghayaha Arrimaha Dibedda Blinken wuxuu ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah afartan iyo afartan ashqaas iyo hay'adp "si ay ula xisaabtamaan Alyaksandr Lukashenka iyo taliskiisa oo sii wada cadaadiska rabshadaha leh ee Belarusiyiinta gudaha iyo dibedda dalka." Kuwa uu bartilmaameedsaday Xafiiska Hantidhowrka Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxaa ka mid ah shirkado dowladeed, saraakiil dowladeed, iyo kuwo kale oo taageera nidaamka; fududeeyo cadaadiskeeda rabshadaha leh; kuna xad -gudubta sarreynta sharciga.

Xoghaye Blinken wuxuu soo dhoweeyey cunaqabatayntii ay isla maalintaa soo saareen Ingiriiska iyo Kanada, iyo sidoo kale kuwii ay ku dhawaaqeen Midowga Yurub 24 -kii Juun. “Mareykanku wuxuu soo dhaweynayaa wada shaqeynta dhow ee Lithuania iyo Poland taasoo muujineysa go’aankii adkaa ee caalamiga ahaa ee lagu taageerayay himilooyinka dimoqraadiga ah ee dadka Belarus. … Waxaan sii wadaynaa wada shaqaynta aan la leenahay beesha caalamka si aan ula xisaabtanno kuwa masuulka ka ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Belarus. Waxaan garab taaganahay dadka reer Belarus si aan u taageerno xuquuqdooda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah. ”

XS
SM
MD
LG