Accessibility links

Breaking News

Kala dambeyn ku dhisan sharciga oo ku wajahan gobolka Indo-Pacific


Tani waa Faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Gobolka Indo-Pacific wuxuu taagan yahay marxalad dib u dhis kadib cudurka Coronavirus iyo inuu horey ugu dhaqaaqo mustaqbal kasii ifiya sidii hore oo ku saleysan kala dambeyn caalami ah oo ku dhisan xeerar, waxaa sidaas sheegay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austin, isaga oo ku sugan Singapore.

“Waxaan ku kalsoonahay in innaga oo kaashaneyna dadaalladeena wada-jirka ah, in Indo-Pacific uu mar kale ka bixi doono caqabadaha,” ayuu yiri Xoghaye Austin. Wuxuu sheegan in jawaabtan ay ku lug leedahay saddex qeyb oo dhammaantood la xiriira iskaashi.

Midda koowaad, oo ah tan ugu degdegta badan waa dib usoo kabasho. “Waa inaan laba laabnaa dagaalkeena ka dhanka ah COVID-19, oo kobcinaa mustaqbal ka amni badan, ka caafimaad badan kana barwaaqo badan midkan,” ayuu yiri.

Midda labaad, waa inaan horey eegnaa oo aan maal-gelinaa in ka hortagga uu udub dhexaad u noqdaa amniga Mareykanka. “Waxaan tobaneeyo sano joogteynay awood, joogitaan iyo xiriiro si looga hortago dagaallada, loona joogteeyo xasilloonida,” ayuu yiri Austin.

Halisaha soo muuqanaya iyo taknoolajiyadda casriga ah ayaa beddelaya wejiga iyo xawaaraha dagaalka. “Sidaas darteed, waxaan ku shaqeyneynaa aragti cusub oo qaringa 21-aad ah, oo aan ugu yeero ‘ka-hortagga wadajirka ah’” ayuu yiri Xoghayaha Gaashandhigga Mareykanka Llyod Austin.

Tani waxay ka dhigan tahay isticmaalka awoodaha jira, iyo dhisidda kuwa cusub, iyo u daad-gureyntooda habab cusub.

Tan saddexaad, dowladda Mareykanka waxay hadda “kala shaqeyneysa Taiwan inay sare u qaaddo awoodaheeda, oo ay kordhiso diyaar garowgeeda si ay uga hortagto halisaha, una ilaaliso ballan-qaadyada saldhigga looga dhigay Xeerka Xiriirka Taiwan, taasi oo waaqfsan siyaasaddeena Hal-China,” ayuu yirri Austin.

Iskaashiga taageero ee aan la leenahay Taiwan wuxuu si cad uga hortagayaa ficillada ay qaadeyso Beijing ee xasilloni darrada ka wada gobolka. “Sheegashada Beijing ee inta badan Badda Koonfurta China wax saldhig ah kuma lahan xeerark caalamiga ah,” ayuu yiri Austin.

“Nasiib darro, diidmada Beijing ee ah inay muranadan ku xalliso si xushmad leh, oo ay ixtiraamto sarreynta sharciga, kama socdaan oo kaliya biyaha dushooda,” ayuu ka digay Austin.

“Waxaan sidoo kale aragnay gardarro ka dhan ah India, dhaq-dhaqaaqyo xasilooni darro militari iyo noocyo kale oo cadaadis ah oo ka dhan ah Taiwan, iyo xasuuq iyo dambi dagaal oo ka dhan ah bani’aadaminimada oo lagula kacay Muslimiinta Uighur ee Xinjiang.”

“Ma waaban doonno marka danaheena la halis geliyo. Sidaas oo ay tahayna ma raadin doonno iska horimaad,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka Austin.

Hadafka ugu dambeeya waa dhismaha gobolka Indo-Pacific oo xor ah islamarkaana furan, oo sii dheereeya iskaashiga, barwaaqada iyo horumarka.

“Waan ku wada kalsoonnahay taas,” ayuu yiri Austin. “Waxaan dhisi karnaa mustaqbal wanaagsan oo ifiya oo ay helaan dhammaan carruurteena.”

XS
SM
MD
LG