Accessibility links

Breaking News

Mareykanka iyo Japan oo iska kaashanaya yareynta isbeddelka cimilada


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Haddii heerkulka adduunku kor u dhaafo 1.5-darajo oo ka sarreeya heerarkii hore ee warshadaha, malaayiin qof ayaa laga yaabaa inay halis ugu jiraan kulayl daran, abaar, iyo fatahaad, ayuu xusay John Kerry oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ugu qaabilsan Cimilada, intii lagu jiray khudbaddii 20-kii July. Laakiin wuxuu kaloo raaciyay inay jirto hab lagu yarayn karo kororka la saadaaliyay ee heerkulka adduunka.

“Wali waxaa jira wakhti si mustaqbalka dib loogu dhigo meel badbaado leh oo ah 1.5 digrii Centigrade. Laakiin waa kaliya haddii waddan kasta oo ka mid ah kuwa dhaqaalaha wayn uu ku kaco dhimis macno leh marka la gaaro 2030, taasi waa sida kaliya ee adduunka looga dhigi karo waddo lagu kalsoonaan karo oo loo mari karo mid saafi ah bartamiha qarniga.”

Intii lagu guda jiray booqashadii Tokyo ee dabayaaqadii bishii August, ayaa Ergayga Gaarka ah Kerry wuxuu ka hadlay dadaallada labada dal ee la dagaallanka isbeddelka cimilada.

Mareykanka ayaa ah kan labaad ee ugu weyn ee soo saara gaaska cagaaran, ee ku soo xiga Shiinaha. Japan ayaa kaalinta toddobaad ku jira liiskaas.

Dowladda Japan waxaa ka go'an inay gaarto dhowr bartilmaameed 30-ka sano ee soo socda. Intii uu socday kulan uu la lahaa wasiirka deegaanka Japan Shinjiro Koizumi, ayuu Mr. Kerry sidaasi yiri.

“Japan waxay qaadatay go'aamo adag, Japan waxay dejisay yool ah 45, 46 ilaa 50 boqolkiiba dhimista qiiqa 10ka sano ee soo socota, iyo inay ku socoto dariiqa saafiga marka la gaaro 2050.”

Waxaa si isa soo taraysa u cad in tallaabooyinka lagu xakameynayo qiiqa gaaska ee ka dhasha dhirta aqalka dhalada ah lagu koriyo ay tahay in la dardargeliyo haddii kor u kaca heerkulka adduunku uu ku ekaado 1.5 digrii Celsius. Markaa, iyada oo loo marayo Iskaashiga Cimilada ee Maraykanka iyo Japan, ayaa Mareykanka iyo Japan waxay ku heshiiyeen inay kor u qaadaan iskaashigooda ku aaddan hal-abuurnimada ee meelaha sida tamarta la cusboonaysiin karo, qabashada kaarboonka iyo burburinta warshadaha, iyo inay taageeraan Hawlgalka Horumarinta Beeraha ee Cimilada.

Labada dalba waxay ku heshiiyeen inay soo afjaraan taageerada cusub ee tooska ah ee dawladda ee ku aaddan korontada dhuxusha laga dhaliyo ee caalamiga ah dhammaadka 2021.

Intaas waxaa dheer, mid walba wuxuu ku dadaali doonaa inuu bixiyo qaybtiisa $100 bilyan oo doollar sannadkii oo ay ballanqaadeen waddamada horumaray si ay u taageeraan dadaallada ay wadaan waddamada soo koraya si ay u dhisaan adkeysiga saamaynta cimilada, yareeyaan qiiqa gaaska cagaaran, una dhaqaaqaan mustaqbalka kaarboonka nadiifka ah.

Mareykanka iyo Japan waxaa ka go’an inay tani ka dhigaan tobanka sano ee muhiimka u ah wax-ka-qabashada cimilada, iyo inay hubiyaan dadaalladooda iskaashi ee ku aaddan xiisadda cimilada inay u taagnaadaan tiirarka iskaashiga laba geesoodka ah ee Mareykanka iyo Japan.

XS
SM
MD
LG