Accessibility links

Breaking News

Guuleystayaasha Barnaamijka Global LEAD ee USAID


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Dhallinyarada maanta ayaa waxaa aad ugu badan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, hal-abuurayaasha, sahamiyaasha iyo kuwa dhaqaajiya bulshooyinka. “Dhallinyaradu, dhab ahaantii, waa qaar ka mid ah saaxiibbadeenna ugu xooggan ee sugidda nabadda iyo horumarka,” ayay tiri Maamulaha hay’adda USAID Samantha Power.

“Wax kasta, laga bilaabo u doodista dadka la hayb -sooco iyo dadka naafada ah, ilaa la-qabsiga iyo howlgelinta tamar nadiif ah iyo farsamooyinka wax-soo-saar waara oo dhanka tacbashada ah, soo agaasimidda dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo lagu horumarinayo dimoqraadiyadda ee ku dhawaad qaarad kasta, dhallinyarada ma ahan kuwa sugaya isbaddal ee waa kuwa sida isbaddalka,” ayay tiri.

“Waana arrimo ay diiwaangelinayaan” ayay hadalkeeda sii raacisay.

“Ma sameynayaan oo qura isbaddalka; ee waxa ay soo gudbinayaan sheekooyin ku saabsan saamaynta iyo horumarka. Waxa ay u gudbinayaan si dhabar-adeyg leh. Waxa ay abuuraan wacyigelin wadata sawirro aan caadi aheyn iyo farriimo qancin leh. Waa ay ka wanaagsan yihiin jiilkayga iyo jiilashii kale ee iyaga ka horreeyey; waxa ay ku dhiirri gelinayaan dadka kale in ay iyaga ku daydaan.”

12-kii bishii August, USAID ayaa daah-furtay barnaamij loogu magac daray the Global Leadership and Education Advancing Development, or Global LEAD Initiative [Horumarinta Hoggaaminta dunida iyo Kobcinta Waxbarashada, ama Hindisaha LEAD ee Caalamiga ah], waxaana ujeedku ahaa in lagula xiriiro hal milyan oo dhallinyaro ah oo noqda la howl-galeyaal ka qeybgala horumarka dalalkooda.

Ka sokow, ballaarinta barnaamijyada cusub ee ku saabsan waxbarashada, horumarinta bulshada iyo hoggaaminta, hindisahan iyo USAID waxa ay dhallinyarada u soo bandhigeen fursad ay dunida kula wadaagaan saamaynta mashaariicdooda iyaga oo ka qaybgalaya tartanka loogu magac daray #WatchOurImpact Global LEAD Digital Storytelling Contest.

Dhallinyarada waxaa lagu boorriyay in ay soo gudbiyaan muuqaal ay iyagu leeyihiin oo saddex daqiiqo ah oo ay ku soo bandhigayaan ficillada ay hoggaaminayaan dhallinyarada ee lagu horumarinayo bulshooyinka maxalliga ah, qaranka, ama adduunkaba.

Shanta tartame ayaa guuleystay kuwaasi oo la xushay 2-dii August, iyagoo 12-kii August ka qeyb galay Wadahadalka Global LEAD #WatchOurImpact.
S. Abida Bhirawasiwi ayaa noqday Guuleystaha Muuqaalka Guud ee ugu Wanaagsan, wuxuuna ahaa dokumentari uu ka diyaariyay koox ka mid ah dhallinyarada dalalka Philippine, Indonesia iyo Malaysia oo ku howlan yareynta saameynta baaxadda leh ee ay deegaanka u keento maaskarooyinka halka mar la isticmaalo ee ka dibna la tuuro.

Abaalmarinta Muuqaalkii ugu dhiirri-gelinta badnaa ayaa waxaa ku guuleystay Ineza Umuhoza Grace oo u dhalatay Rwanda, oo muuqaalkeeda oo ay ugu magac-dartay Awoodda Codka ee dhaqaajinta Saamaynta Bulshada, waxa uuna ku saabsanaa dhallinyarada isbeddel-doonka ah ee saameeya isbeddelka cimilada.

Muuqaalka ugu Saameynta Badnaa, oo loogu magac-daray Abuuridda Goobo Ammaan ah oo Bixiya Fursadaha Waxbarashada, ayaa waxaa sameeyay Chaima Amraoui oo u dhashay dalka Tunisia.

Beatrice Ndisha Mwanjala oo u dhalatay dalka Kenya ayaa ku guuleysatay Bandhigga Muqaalka qaabka Slideshow lagu sameeyay iyadoo ka sheekaynaysa sida dhulkeeda oomanaha ah uu u qaabeeyay aayaheeda.
Muuqaallo 3-D ah oo loogu talagalay Jawaabta COVID-19 ee Tanzania oo uu diyaariyay Padili James ayaa ku guuleystay fiidiyowga ugu xiisaha badan.

“In kastoo ay caqabadaha horyaalla aad u mug weyn yihiin, USAID waxa ay la-howlgaleyaasheeda dhallinyarada ah u aragtaa in ay kulansadeen rabitaan iyo karti, oo aysan kaliya ahayn in ay isbaddal ku sameeyaan, laakiin ay ku dhiirrigelinayaan dadka kale in ay ku soo biiraan dadaalkan,” ayay tiri Maamulaha USAID Samantha Power.

XS
SM
MD
LG