Accessibility links

Breaking News

Cunaqabateynta taageerayaasha Ortega


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Waxay doonta ha ku qaadatee, Daniel Ortega iyo Rosario Murillo waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan dib u doorashada Ortega ee markii afaraad ee isku xigta uu ku noqonayo madaxweynaha Nicaragua. Si looga gun gaaro taas, waxay qaadayaan olole cabsi gelin, dhibaateyn, iyo caburin ka dhan ah bulshada rayidka, suxufiyiinta, kuwa dhaliila, iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxay agaasimeen meel-marinta sharciyo kali-talisnimo oo looga gol leeyahay af-xiridda warbaahinta iyo cambaareynta online-ka, ku qasbaya ganacsiyada iyo ururada lacagaha ka hela dibedda inay isu diiwaan geliyaan inay yihiin wakiilo shisheeye, taasi oo dowladda u ogolaaneysa inay isha ku hayso maaliyaddooda.

Golaha Sare ee Doorashada, oo ay maamulaan Ortega iyo Murillo, wuxuu doorashada u diiday xisbiga ugu weyn mucaaradka, isaga oo hakiyey sharciyaddooda. Musharaxiinta mucaaradka ayaa la xiray, lagu xadgudbay, islamarkaana loo diiday inay tartamaan, ayaga oo sidoo kale lagu eedeeyey dambiyo ay ka mid yihiin been xalalaeyn lacag, iyo “weerar ka dhan ah bulshada Nicaragua iyo xuquuqda shacabka,” ama la xiray sharaxaad la’aan.

Weerarada ay Ortega iyo Murillo ku hayaan inta yar ee ka hartay dimqoraadiyadda Nicaragua, waxaa u suurta-geliyey taageerayaal isugu jira xubno ka tirsan hay’adaha fulinta, sharci-dejinta iyo qeybaha qaabilsan shaqooyinka doorashada ee dowwladda.

Kaalinta ay ku leeyihiin taageeridda weerarada uu wado Ortega darteed, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay qaaday tallaabooyin ay xayiraado Visa ku saareyso 19 ka tirsan saraakiisha doorashada Nicaragua iyo saraakiisha xisbiga siyaasadda.

“Saddexdii bil ee tegay, madaxweyne Danile Ortega iyo xaaskiisa madaxweyne ku xigeenka ah Rosario Murillo waxay cabsi geliyaan qof kasta oo kasoo horjeeda dadaallada ay ku ballaarinayaan awoodahooda Nicaragua, oo ay ku jiraan xariga tobanaan musharaxiin siyaasadeed, suxufiyiin, arday, hogaamiyeyaal ganacsi, kuwa u dooda xuquuda aadanaha, iyo inay doorashada 7-da November u diideen musaharaxiin badan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price oo war-saxaafadeed soo saaray.

Ficilkan ayaa xigay mid hore oo xayiraado Visa kusoo rogay 150 garsooreyaal, dacwad oogayaal iyo xubno ka mid ah qoysaskooda oo kasoo jeeda Nicaragua. Siyaasadda xayiraadaha Visa ayaa saameyneysa qof kasta oo u dhashay Nicaragua, oo si ay ahaataba ugu gacan yeeshay waxyeeleynta dimoqraadiyadda ama geystay xadgudubyo xuquuqda aadanaha, sida caburinta dibad-baxayaasha.

“Ficilkan maanta, waxaan hoosta uga xariiqeynaa sida ay nooga go’an tahay sare u qaadidda la xisaabtanka dhammaan kuwa ku lugta leh weerarka Ortega iyo Murillo ay ku hayaan dimoqraadiyadda. Laguma soo dhoweyn doono Mareykanka,” ayuu yiri Ned Price.

XS
SM
MD
LG