Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Minister Heiko Maas ayaa wadajr u hogaaminayay shir caalami ah oo ku saabsan Afghanistan.
Xogahaya arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa diiradda saaray saddex qodob oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.
Qodobka koowaad ayaa ah in Taaliban ay fuliso ballanqaadkii ahaa inaanay is hortaaagi dooni dadka ajaanibka ah amma dadka haysta Visaha ee raba inay dalka ka baxaan.
Taliban ayaa hore ugu doodi jirtay in aanay ogolaan doonin in dadka khibaradda leh ay dalka ka guuraan.
Qodobka kale ee uu soo jeediyay Xoghaye Blinken ayaa ahaa in beeesha caalamku ay ku cadaadiso Taliban inaanay ogolaanin in kooxaha argagixisada ah aanay saldhig ka samaysan.
Qodobka saddexaad ayaa ah in beesha caalamka, qaramada midoobay iyo maraykanku ay xaqiijiyaaan in gargaarka bini’aadminimo ay gaaraan dhammaan dadka reer Afghanistan.
Xogahayaha ayaa sheegay in dhammaan saddexdaas qodob ay u baahanyihiin in wada shaqayn laga helo dhinaca Taliban.
Blinken ayaa sheegay in loobaahanyahay in la kala saaro wada shaqaynta la xidhiidha 3dan qodob iyo mawqifka maraykanka iyo caalamku ka qaadaan doonaan siyaasadda Taliban taas oo u haaaban in Taliban ay kasbadaan kalsoonida beesha caalamka, iyada oo uu maraykanku sii wadi doono inuu u dodo xuquuqda aadaamaha iyo xuriyadda hadalka.