Accessibility links

Breaking News

Syria oo weli ku guul-dareysaneysa inay kasoo baxdo waajibaadkeeda xeerarka hubka kiimikada


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Waxa laga joogaa sideed sanno markii maamulka asad ay degmada Ghouta ee dimishiq ku wwerareen gaasta neerfaha ee Sarin islamarkaana ay halkaasi ku dileen in ka badan 1400 qof oo Suuriyaan ah, kuwaasi oo boqolaal ka mid ah ay ahaayeen caruur, halka kumanaan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka waa uu la beegsan muwaadiniintiisa hubka Kiimikada, balse talaabadii argagaxa lahayd ee weerarkii Ghouta dunida waa ay ka argagixisay.

Bisha soo socota, iyadoo la raacayo dedaal ay sameeyeen beesha caalamku, dawlada Suuriya waxa ay ogolaatay baaqii hubka Kiimikada, waxa ay aqbaleen inay haystaan barnaamij hubka kiimikada ah, iyagoo ku yaboohay inay meesha ka saari doonaan kaydkooda islamarkaana ay hay’ada kala shaqaynayaan mamnuucida hubka Kiimikada ama OPCW hawlagkooda kor joogtaynta iyo baadhista.

Hasayeeshee maamulka Asad waxa uu ku guul daraystay inuu fuliyo balamihiisa, xataa burburinta hubka kiimikada ee kaydka u ah Suuriya, maamulka Suuriya waxa uu si isdaba joog ah hubka Kiimikada ugu adeegsaday dadkiisa, waxaanay dajiraha Maraykanka ee qaramada midoobay Linda Thomas-Greenfield sheegtay dhawaan iyadoo warbixin siinaysa golaha amaanka, in la isku dayay in la horistaago la xisaabtanka iyadoo la xanibayo baadhayaasha madaxa banaan sidoo kalena lagu guul daraystay in lala shaqeeyo OPCW.

Maraykanku wax uu si kalsooni leh u taageersan yahay shaqada dhex dhexaadka ah islamarkaana madaxa banaan ee OPCW iyo hanaankooda baadhitaanka.

Danjire Linda Thomas-Greenfield waxa ay farta ku fiiqday in baadhitaanka OPCW iyo kooxda wax raadinaysaa ay la yaqiinsadeen afar weerar Kiimiko oo kala duwan oo Suuriya uu ka gaystay maamulka Asad, dhacdooyinkan ayaa ku biiraya afar weerar hubka kiimikada ah oo hore maamulka asad ay ula xidhiidhisay hanaanka baadhitaanka wadajirka ah ee qaramada midoobay ee OPCW.

Danjire Linda Thomas-Greenfield waxa ay hoosta ka xariiqday in Asad iyo xulafadiisa uu ka midka yihiin Ruushku ay sidoo kale si joogto ah u rabaan inay xanibaan dhamaan dedaalada lagu kordhinayo la xisaabtanka, “Doorka Ruush-ka ee ay ku taageerayaan maamulka Asad waa halis” ayay tidhi. “Soo noqnoqoshada iyo sii socoshada fashilaadaha maamulka Asad ee ah inay dabaqaan masuuliyadaha la socda sharciga caalamiga ah waa inaan loo dulqaadan.”

Danjire Linda Thomas-Greenfield waxa kale oo ay sheegtay in golaha amaanka ee qaramada midoobay ay go’aansadeen, hadii la dabiqi waayo qaraarkii golaha amaanka ee 2118 oo waxyaabaha kale ee uu ka mamnuucayo maamulka Asad ay ka mid tahay adeegsiga hubka Kiimikada ah, si loo soo rogo talaabooyin ku yaala Charter todoba ee axdiga qaramada midoobay “Hada waxa aanu haysanaa cadayn shilis, oo ah waxyaabo door ah oo aanu fulin maamulka Asad” ayay intaasi raaciysay. ”Hada waa waqtigii la taageeri lahaa lana hirgalin lahaa go’aanka golaha, hadii aan laga xisaabtamin dilka loo gaystay dadka reer Suuriya, nabad waarta oo Suuriya ka dhaqan gashaa waa mid aan la haybsan Karin”

XS
SM
MD
LG