Accessibility links

Breaking News

Xoojinta iskaashiga INDO-PACIFIC


Kamala Harris
Kamala Harris

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Khudbaddeedii Arrimaha Dibadda ee ay bishi August ka jeedisay Singapore ayay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ku tiri, “Mareykanka wuxuu ku faraxsanyahay inuu qeyb ka ahaado Indo-Pacific. Gobolkanina wuxuu si aada muhiim ugu yahay barwaaqada iyo ammaanka qaramadeenna.”

Madaxweyne ku xigeenka waxay farta ku fiiqday in gobolka Indo- Pacific uu hooy u yahay saaxibada dhaw iyo bah-wadaagta Dowladda Mareykanka. Dhoofinta badeecadda Mareykanka ee gobolka ayaa waxaa ay abuurtay ilaa afar milyan oo shaqo oo gudaha Mareykanka ah.Sannadki 2019, Mareykanka wuxuu gobolka ka sameeyay lacag dhan $2 trillion oo ahaa ganacsi ay labada dhinac is-dhaafsadeen.

Waxay sheegtay in nolosha malaayiin qof ay ku tiirsantahay balaayiinta dollar ee ka timaada ganacsiga ku qul-qula marin-biyoodka Badda South China Sea maalin kasta. Qeyb ka mid ah aragtida Mareykanka ee gobolka waxaa ka mid ah xorriyadda mandhiqadda “taasoo muhiim u ah annaga oo dhan,” ayay tiri Harris.

Xorriyadda badda iyo ganacsiga halkaasi mara, waxaa intaasii dheer, aragti kale oo uu Mareykanka ka leeyaha gobolka taasoo muhiimah. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegtay: “Nabad iyo xasillooni, horumarinta xuquuqda aadanaha u go’doomidda sharciyda caalamiga ah oo ku saleuysan nidaam iyo in aan aqoonsanno danteenna guud.”

Dowladda Mareykanka waxay garab taagantahay xulufadeeda iyo bah-wadaagteeda gobolka haddii ay khatar soo wajahdo hiigsiga gobolka oo ay ku jirto badda South China Sea. “Beijing waxay sii waddaa daan-daansigeeda si ay ugu caga-jugleyso in ay leedahay qeyb weyn oo ka mid ah badda South China Sea,” Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidaasi tiri. Waxay sii raacsatay “Ficillada Beijing waxay si joogta ah u wiiqayaan sharciyada ku saleysan nidaamka waxana ay khatar ku tahay madax-bannaaniada dalalka.”

Madaxweyne ku xigeenka waxay caddeysay ku lug-lahaanshaha Mareykanka ee mandhiqadda Indo-Pacific iyo badda Koofurbari Asia “In aysan dalna uga soo horjeedin isla markaana dalna uusan ku qasbaneyn inuu kala doorto laba waddan midkood, laakin ay aragtida iyo hiigsiga Mareykanka ee gobolka ay ku qotonto horumarin iyo niyad-wanaag.”

Gagaba-gabada, Mareykanka waxaa ka go’an inuu xoojiyo saaxibaddiisa muhiimka ah ee gobolka si wada jir ah iyo waliba si xulufo ah intaba, sida urur goboleedyada ASEAN, Quad iyo kan bah-wadaagta Mareykanka ee Mekong-U.S.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Harris waxay ku dhawaaqday in Dowladda Mareykanka ay yaboohday si ay u martigeliso Shirkada Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Asia-Pacific ee loo soo gaabiyo APEC, sannadka 2023. Waxay carrabka ku dhajisay baahida loo qabo wada shaqeyn laga yeesho arrimaha isbaddalka cimillada iyo caafimaadka dunida. Waxay kaloo weydiisatay waddamada gobolka in ay Mareykanka kula soo biiraan dib u soo laabashada dalka Burma ee waddada dimoqraadiyadda.

“Sannado kaddib,” waxay dhahday madaxweyne xigeenka Harris, “Waxaan rajeynayaa in aan dhammaanteen marxalladaan dib u eegno isla markaana dhahno markaas waxay aheyd xilligii dalalka gobolkeennu ay gacmaha is-qabsadeen si wada-jir ah si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan," Marki aan tallaabo horay u qaadno si aan u horumarinno nolosha dad badan.”

XS
SM
MD
LG