Accessibility links

Breaking News

Gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi oo halis abuuraya


Tani waa faallo ka tarjumeysa arragtida dowladda Mareykanka

Bishii Sebtembar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya waxay samaysay tijaabooyin gantaallo oo taxane ah, oo ay ka mid yihiin in gantaallada ballistic -ga laga soo tuuray xeebteeda bari, tijaabadii ugu horraysay ee gantaalaha ballistic -ga ee ay Pyongyang samaysay lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Mareykanka ayaa cambaareeyay gantaallada la riday. Shir jaraa'id oo uu qabtay Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price ayuu ku yiri, "Gantaalladan waxay ku xadgudbayaan qaraarro badan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaanan ognahay inay khatar ku yihiin deriska Kuuriyada Waqooyi (DPRK) iyo xubnaha kale ee bulshada caalamka."

Xoghayaha Warbaahinta ee Pentagon -ka John Kirby ayaa ku yiri, “Howlahan waxay muujinayaan saameynta xasilloonida ee barnaamijka hubka sharci darrada ah ee DPRK,” wuxuuna ku celceliyay “ballanqaadka adag ” ee Mareykanka ee uu ku difaacaayo Jamhuuriyadda Kuuriya, (ROK), iyo Japan.

Wadahadaladii Nukliyeerka ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa hakad ku jiray tan iyo 2019, laakiin maamulka Biden ayaa caddeeyay rabitaankooda ah inay dib u soo nooleeyaan.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda, Price ayaa yiri, "Waxaa naga go'an mabda'a ah in wada -hadalku noo oggolaan doono inaan sii wadno ujeeddadeenna ugu dambeysa, taasina ka baabi'inta hubka nugliyerka gacanka Kuuriya. Uma jeedno wax colaad ah xagga Kuuriyada Waqooyi, ”ayuu ku dhawaaqay. "Waxa aan dooneyno inaan sameyno waa inaan yareyno halista ku wajahan Mareykanka, xulafadayada gobolka, oo ay ku. jiraan Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, waxaanna u maleyneynaa inaan taas ku sameyn karno hab diblomaasiyad."

Waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhawaanahan ka dhex jiray Maraykanka iyo waddamada gobolka oo Kuuriyada Woqooyi ku jirto ajendaha. Bartamihii bishii Sebtembar, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka ee Kuuriyada Waqooyi Danjire Sung Kim ayaa u safray Tokyo wuxuuna la kulmay saraakiil sare oo ka socda Japan iyo Jamhuuriyadda Kuuriya si ay uga wada hadlaan, arrimo ay ku jiraan hawlaha DPRK. Wasiirrada arrimaha dibedda ee China iyo Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa sidoo kale ku kulmay Seoul maalmo uun kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalkeeda riddada dheer.

Af -hayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Price wuxuu carrabka ku dhuftay kulamadani inay yihiin qaybaha muhiimka ah ee hawlgelinta iyo diblomaasiyadda oo Mareykanku rumeysan yahay inay horseedi doonto hadaf ay wadaagaan Mareykanka iyo waddamada gobolka: “horumar macno leh oo ku wajahan waddada loo maro hub ka dhigista gacanka Kuuriya. ”

XS
SM
MD
LG