Accessibility links

Breaking News

Carqaldeynta shan ka mid ah taageerayaasha Al-Qacida ee Turkey


State Department
State Department

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida Dawladda Maraykanka.

Waqti ka waqti, Mareykanku wuxuu aqoonsadaa shakhsiyaad gaar ah oo muhiim u ah hawlgalka ururada argagixisada. Dawladda Maraykanku waxay markaa qofkaas magaciisa gelisaa Liiska Muwaadiniinta sida gaarka ah loo Xushay iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224, Sida uu qabo dasturka, Hantidooda ku jirta gudaha Mareykanka waa la xayiraa. Ma jiro muwaadin ama shirkad Maraykan ah oo ganacsi la samayn karta shakhsi la ogaaday inuu argagixiso yahay. Tani waa hal dariiqo oo Maraykanku ku carqaladeeyo shabakadaha taageerada maaliyadeed siiya argagixisada iyo ururada argagixisada.

Bartamihii bishii Sebtembar, Mareykanka ayaa aqoonsaday shan ka mid ah taageerayaasha al-Qaacida ee ka hawlgala Turkiga kuwaas oo gacan ka geysta falalka foosha xun ee kooxda argagixisada iyaga oo kooxda siiya adeegyo kala duwan oo isugu jira fududayn dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka.

“Cunaqabataynadan lala beegsaday waxay muujinayaan sida ay Maraykanka uga go’an tahay inay wiiqdo taageerada maaliyadeed Al-Qaacida,” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Xafiiska Kontoroolka Hantida Dibadda Andrea Gacki. “Waxaan sii wadi doonnaa la shaqeynta saaxiibadeenna shisheeye, oo ay ku jirto Turkiga, si aan u kashifno oo aan u carqaladeyno shabakadaha taageerada maaliyadeed ee al-Qaacida.”

Majdi Saalim waa nin u dhashay dalka Masar, waa qareenna fadhigiisu yahay Turkiga, waana mid ka mid ah fududeeyayaasha aasaasiga ah ee al-Qaacida ee Turkiga. Ka sokow howlaha kala duwan ee uu u qabto kooxda argagaxisada, wuxuu ninkan ku magacaabanyahay wakiilka dhanka maaliyadda ee shabakadda al-Qaacida ee Turkiga.

Muhammad Nasr al-Din al-Ghazlani, oo ah muwaadin Masaari ah, muddo dheerna ahaa fududeeyaha Al-Qaacida, waa wakiil maaliyadeed oo fadhigiisu yahay Turkiga. Wuxuu xawilay lacago si uu u taageero al-Qaacida.

Nurettin Muslihan, waa muwaadin Turki ah, waana fududeeyaha maaliyadda al-Qaaciddada fadhigeedu yahay Turkiga. Wuxuu xiriir la lahaa hoggaanka sare ee al-Qaacida, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xiriir toos ah la sameeyo xagjiriinta al-Qaacida.

Muwaadin kale oo Turki ah, Cebrail Guzel, ayaa la shaqeeyay, oo taageero maadi ah siiyay Nurettin Muslihan taas oo qayb ka ah dadaallada Muslihan ee lagu taageerayo al-Qaacida.

Soner Gurleyen, oo sidoo kale haysta dhalashada Turkiga isla markaana fadhigiisu yahay Turkiga, waa xagjir al-Qaacida ka tirsan sidoo kalana fududeeyaha arrimaha maaliyadda. Wuxuu garab-siiyay mid kale oo xagjir ah oo ka tirsan si uu uga caawiyo safar.

“Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu si dhow ula shaqeeyo saaxiibbadeenna iyo xulafadeena, oo ay ku jirto Turkiga, si loo aqoonsado, loo muujiyo, loona carqaladeeyo shabakadaha Al-Qacida siiya taageerada maaliyadeed,” ayuu ku yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken oo soo saaray hadal qoraal ah. “Waxaan si dhow ula socon doonaa shabakadahaan si aan uga hortagno ku -xadgudubka nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah si ay dakhli uga helaan hawlgallada argagixisada.

“Mareykanku weligiis ma iloobi doono dhibbanayaashii weeraradii September 11, 2001 iyo shirqooladii kale ee al-Qaacida ee adduunka. Waxaan sii wadi doonnaa beegsiga kuwa doonaya inay dhibaato u geystaan Mareykanka, muwaadiniinteena, iyo danahayaga, ”ayuu Blinken ku yiri bayaanka.

XS
SM
MD
LG