Accessibility links

Breaking News

Kaalmo cusub oo loogu talo-galay Thailand iyo shacabka Burma


Linda Thomas-Greenfield
Linda Thomas-Greenfield

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka

Dowladda Maraykanka waxaa ka go’an inay hoggaamiso dadaalka caalamiga ah ee loogu jiro la dagaalanka cudurka COVID19.

Dowladda Maraykanku waxay ku deeqday in ka badan 110 milyan oo tallaaka looga hortago cudurkaasi ah.

Qorshaha dowladda Maraykanka ayaa ah in tiradaasi ay gaadhsiiso 500 oo Milyan oo la gaadhsiin doono boqol dal oo caalamka ah.

Dowladda Maraykanka wax lacag ah amma shuruud ah ku xidhayso dhammaan dalalka ay tallaalka ugu deeqday.

Dajniraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo dhawaan booqatay dalka Thailand ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay 50 milyan oo doolar ugu deeqday qaxootiga ka soo qaxay dalka Burma.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Thailand loogu deeqay 5 milyan oo doolar oo loogu talagalay ka hortagga cudurka COVID19.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in lacagta 50ka milyan ah toos loo gaarsiin doono hay’adaha samafalka caalamiga ah si raashin degdeg ah, hoy iyo waxayaabaha kale ee asaasiga u ah nolosha loogu gaadhsiiyo qaxootuga Burma kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo kun.

Dowladda maraykanka ayaa ugu baaqday deeq-bixiyayaasha caalamiga ah in loo gurmado qaxootiga Burma, sidoo kale dowladda Maraykanka ayaa ku baaqday in la iska kaashado la dagaalanka COVID-19.

XS
SM
MD
LG