Accessibility links

Breaking News

Maalinta Cunnada Adduunka 2021


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dawladda Maraykanka

16-ka Oktoobar waa Maalinta Cunnada Adduunka, oo ah maalin lala dagaalamayo gaajada. Taariikhdu waxay xuseysaa aasaaskii 1945kii Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, ama FAO. Xusku wuxuu u adeegaa inuu kor u qaado wacyiga dadku u yeelanayaan gaajada iyo nafaqo -xumada adduunka, iyo sida loo soo afjari karo.

Sida laga soo xigtay Ururka Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha ee FAO, ku dhawaad saddexdii qof ee dunida ku nool midkiiba, taas oo ah tiro dhan 2.37 bilyan oo qof ayaanan helin cunto ku filan sanadkii 2020 - taasi waa koror ku dhawaad 320 milyan oo qof hal sano gudaheed.

Dawladda Mareykanku waxay diyaar u tahay inay caawiso, ayuu yiri Madaxweyne Joe Biden 16 -kii Sebtember, khudbaddii uu ka hor jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Xilli ku dhawaad saddexdii qofba mid ka mid ah adduunka oo dhan aysan heli karin cunto ku filan sanadkii la soo dhaafay - Mareykanka ayaa ballan qaadaya inuu isu soo ururiyo la -hawlgalayaasheena si wax looga qabto nafaqo -darro degdeg ah iyo in la hubiyo in aan si joogto ah u quudin karno adduunka tobanaan sano oo soo socda. Si taas loo gaaro, Mareykanku wuxuu sameynayaa ballanqaad dhan $10 bilyan ah si loo soo afjaro gaajada loona maalgeliyo nidaamyada cuntada gudaha iyo dibaddaba.”

Maalgashigan oo sanado badan soconaya wuxuu kor u qaadi doonaa isbeddelka nidaamyada cuntada iyada oo loo marayo hal-abuurnimo; horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee helitaanka cuntada iyo fursadaha suuqa oo loo dhan yahay; barnaamijyada mudnaanta siinaya baahiyaha haweenka iyo carruurta; hagaajinta nafaqada; yaraynta khasaarinta cuntada iyo dayacaadeeda; iyo yaraynta isbeddelka cimilada iyo waliba la qabsiga isbedellada dhacay, marka laga hadlayo dalka gudihiisa iyo adduunka oo dhan.

"Waxaa naga go'an inaan kor u qaadno siyaasadaha ku saleysan sayniska si wax looga qabto isbeddelka cimilada, nidaamyada cuntada waara, iyo amniga cuntada iyo nafaqada adduunka," ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken

“Waxaa muhiim ah inaan maalgelinno sidii loo yareyn lahaa gaajada; dhiirrigelinta wax-soo-saarka beeraha ee loogu yeero “si wanaagsan u adeegsiga deegaanka”; iyo xoojinta haweenka, kuwaas oo ka kooban in ka badan 40 boqolkiiba xoogsatada beeraha adduunka laakiin la kulma takoor weyn marka ay timaaddo lahaanshaha dhulka iyo xoolaha, helitaanka deyn, mushahar caddaalad ah, iyo ka-qaybgalka go'aan qaadashada. Ma adeegsan karno awoodda buuxda ee nidaamyada cuntada adduunka haddii dad badan oo shaqada qabanaya loo diido xuquuqdooda aasaasiga ah.”

Mareykanka, ayaa sheegay in Madaxweyne Biden, “uu sii ahaan doono kan ugu weyn ee wax ku biiriya kaalmada bani’aadamnimada, keenista cunto, biyo, hoy, daryeel caafimaad oo degdeg ah, iyo kaalmooyin kale oo muhiim ah, kuwaas oo lagu badbaadinayo nafta malaayiin qof oo baahan.”

XS
SM
MD
LG