Accessibility links

Breaking News

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha (PRC) oo halis gelineysa Taiwan


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Ka dib hawlgalladii ay hawada Taiwan ka sameeyeen Ciidanka Cirka ee qeybta ka ah Ciidanka Xoraynta Dadweynaha ee Shiinaha, ayaa Maraykanku wuxuu ugu baaqay Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha (PRC) “inay joojiso cadaadiska milateri, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay ku hayso Taiwan.”

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price ayaa bayaan qoraal ah ku yiri, “Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay dhaqdhaqaaqa miltari ee Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha [PRC] ee daandaansiga ah ee ka socda Taiwan, kaasoo xasilooni -darro keenaya, islamar ahaantaasina halis ku yahay amniga, wiiqayana xasilloonida gobolka.”

Laga bilaabo Oktoobar 1 oo ku beegan “Maalinta Qaranka” ee PRC, Ciidanka Xoraynta Dadku waxay tiro aan hore loo arag u aadeen Aagga Aqoonsiga Difaaca Hawada ee Taiwan. Diyaaradaha PLA oo ay ka mid yihiin diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax duqeeya, ayaa duulimaadyadaasi sameeynayay har iyo iyo habeen.

Iyadoo ka jawaabaysa, Taiwan waxay ciidamo u dirtay aagga si ay ula socdaan diyaaradaha PRC, waxay digniinno raadiyaha u marsiisey dadweynaha, halkaas oo ay geeyeen hababka gantaallada difaaca cirka.

Sanadkii la soo dhaafay, PRC waxay si joogto ah u kordhisay duullaankeeda Aagga Aqoonsiga Difaaca Hawada ee Taiwan, laakiin hawlgalkii hawada ee ugu dambeeyay ee PRC wuxuu ahaa mid xooggan. Waxaa sidoo kale weheliyay hadalo hanjabaad ah oo ka soo baxay warbaahinta ay dowladdu maamusho ee Beijing ee ka dhanka ah jasiiradda sida dimoqraadiga ah loo xukumo. Wargayska Global Times ayaa ku qorey, “Hindisaha goorta iyo sida loo xallinayo arrimaha Taiwan waxay u taalla Shiinaha." Tifaftiraha Global Times ayaa bartiisa Twitter -ka ku soo qoray, "In aanu fogeyn waqtiga uu dhacayo maamulka mas'uuliyiinta gooni u goosadka Tawian."

Qoraalkiisa, Afhayeen Price wuxuu ku sheegay in Maraykanku “dan joogto ah uu ka leeyahay nabadda iyo xasilloonida gacanka Taiwan. Waxaan sii wadi doonnaa inaan ka caawinno Taiwan sidii loo ilaalin lahaa awood is-difaac oo ku filan, waxaana ilaalin doonnaa ballanqaadyadeenna sida ku qeexan Xeerka Xiriirka Taiwan, saddexdii War -murtiyeedyad ee wada jirka ahaa, iyo Lixda Caymis. ”

XS
SM
MD
LG