Accessibility links

Breaking News

Shacabka Cuba waxay mudan yihiin inay ku noolaadaan xoriyad


Tanina waa faalo ka turjumaysa aragtida dawlada Maraykanka.

Kuwa u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada Cuba wali waxa ka go’an inay jasiiradooda ka xoreeyaan haysashadda ay ku rabto dawlada arxanka daran.
Laga soo bilaabo 11-kii bishii July, kumanaan reer Cuba ah ayaa magaalooyin iyo tuulooyin door ah oo guud ahaa dalka ah isugu soo baxay jidadka, si ay si nabadgalyo ah u dalbadaan in la qadariyo xuquuqdooda aadamaha iyo xoriyadaha aasaasiga ah.

Iyagoo taas ka falcelinaya ayaa xoogaga amaanka ee Cuba ay si daran u cadaadiyeen dibadbaxayaashii, iyagoo u xidhay boqolaal ka mid ah dibadbaxayaashii kaliya inay dabaqayeen xuquuqdooda xoriyadda rayi cabirka iyo inay si nabdoon isugu imaadaan. Dibabaxayaasha iyo kuwa xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqa ayaa ilaa iyo xilgaas loo hayay dhawr eedood iyagoo aan haysan damaanad ah xukun cadaalad ah.

Laga soo bilaabo bishii September kooxda xuquuqda aadamaha ee Cubalex waxa ay sheegeen in la soo wariyey 1067 qof oo la xidhay, kuwaasi oo ilaa kala badh ay wali iyagoo eedeysan xidhan yihiin, kuwaasi oo ay ku jiraan da’yar door ah, qaarkood ayaa la sheegay in jidh ahaan loo waxyeeleeyey intii ay maamulka u xidhnaayeen, kuwo kale Ayaan la arki Karin ama la hayaa iyadoo aan si caadi ah loo soo eedeyn, halka kuwo kalena ay xukuumada Cuba u raadinayso xabsi dheeri ah oo ah inta u dhaxaysay lix ilaa laba iyo toban sano oo ah kaliya inay ka qaybqaateen dibadbaxyadan nabdoon.

Qoraal lagu boorinayo qaramada midoobay inay u dhug yeelato mawduuca Cuba, ayaa xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Antony Blinken uu ku xoojiyay “muhiimada guud ee ah qadarinta xuquuqda aadamaha guud ahaan dadka” isagoo intaasina sii raaciyay “ inay muhiim tahay in bulshada caalamku ay ka hadlaan oo ay kasoo horjeestaan cadaadiska iyo xadhig wadareedka dibadbaxayaasha reer Cuba” lana dalbado in la sii daayo kuwa sida cadaalada aan ahayd loogu xidhay halkaasi, lana taageero rabitaanka dadka reer Cuba ee ay ku go’aaminayaan mustaqbalkooda.”

Xoghaye Blinken waxa uu ku booriyey xukuumada Cuba iyagoo xubin ka ah golaha xuquuqda aadamaha ee qaramada midoobay, “ inay qaradiyaan xuquuqdda aadamaha iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee dadka reer Cuba, ee uu damaanad qaaday baaqii caalamiga ahaa ee xuquuqda aadamuhu”

“Reer Cuba waxa ay mudan yihiin fursad ay ku soo bandhigaan xuquuqdooda, codkooda iyo hamigooda iyagoon ka cabsanayn dhibaato iyo xadhig” ayaa uu xusay xoghaye Blinken. “Maraykanku waa uu sii wadi doonaa inuu taageero dadka reer Cuba, sidoo kalena waa uu sii wadi doonaa inuu qaado talaabo uu kor ugu qaadayo la xisaabtanka xukuumada Cuba ee tacadiyada xuquuqda aadamaha.”

XS
SM
MD
LG