Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo bogaadiyey sida at France uga go'an tahay ka hortagga argagixisada


Tani waa Faallo ka tirjumaysa aragtida dawladda Maraykanka.

17 kii bishii August, ciidamada militaryga dalka France, ee ku sugan gobolada Saxaraha Africa ayaa qaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha aanay cidi wadin ee Drone ka loo yaqaano.

Weerarka ayaa ka dhacay Keymaha loo yaqaano Dangalous Forest ee ku yaala woqooyiga dalka Mali isla markaana ku dhaw xuduudka ay wadaagaan wadamada Mali iyo Niger.

Weerarka ayaa lala beegsaday xubno sare oo ka mid ah ururka ISIS qaybtiisa Saxaraha Africa. Xubnaha la bartilmaameed sanayay waxa ka mid ahaa hogaamiyaha kooxdaasi Adnan Abu Walid Al-Sahrawi.

Urur si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamadama military ga Faransiiska ayaa loo diray goobta weerarku ka dhacay si ay u soo xaqiijiyaan dadka lagu dilay weerarkaasi.

15kii bishii September, ayaa la soo xaqiijiyay in aan shaki ku Jirin in dadka weerarkaasi ku dainty uu ku jiro Abu Walid .

Madaxweynaha Fransiska Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay in dilka hogaamiyaha Argagixisadu ay tahay guul wayn oo ay ciidamadiisu soo hooyeen, kadib markii ay mudo sideed sanadood ah ka hawl galayeen gobolada saxaraha Africa.

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaadeen Ciidamada Faransiiska oo ay xulufo isku koox ah yihiin oo khaarajiyay Adnan Abu Walid Al-Sahrawi,” sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda maraykanka

“Waxaanu ku taageersanahay Faransiiska inay sii wadaan dedaalka ay argagixisada kula dagaalamayaan, si ay ilaaliyaan dadweynaha galbeedka Africa, iyaga oo kaashanaya saaxiibadeena Africa.

Abu Walid ayaa sanadkii 2010kii ku biiray ururka al-Qaeda garabkoodii ku sugnaa dalka Morocco, waxaanu shantii sano ee ugu dambeeyayna hogaamiye ka noqday dhawr urur oo argagixiso ah oo xidhiidh la leh Al-qaacida.

Bishii May ee sanadkii 2015, ayuu ku dhawaaqay xidhiidhka ururkii uu hogaaminayay iyo ISIS ka dhexeeya, xiligaasi oo uu sheegay magaca ururkiisa ee ISIS uga wakiila wadamada Saxaraha Africa, oo ka hawl gala wadamda Mali, Niger iyo Burkina Faso.

Ururka uu Abu-walid hogaaminayay waxay qaadeen dhawr weerar oo ay ku beegsadeen ciidamo kala ah African, Maraykan, iyo Faransiis oo wadamdaasi ku sugan.

Weeraradaasi waxa ka mid ah jidgooyo ay Ciidamda Nigeria ku sameeyeen bishii May ee sanadkii 2019, halkaasi oo ay ku dhinteen 28 askari.

Bishii January ee sanadkii 2018 kiina weerar ayay la beegsadeen Ciidamada Faransiiska ee ku sugnaa mali, sanadkii 2017 weerar ka dhacay dalka Niger ayay ku dileen shan askari oo Nigerian ah iyo afar askari oo Maraykan ah.

Sanadkii 2016 kiina weerar kale oo ka dhacay Mali ayay ku dileen afar askari iyo dad kale oo rayid ah.

XS
SM
MD
LG