Accessibility links

Breaking News

Madaxweyne Biden oo kordhiyey tirada qaxootiga lasoo qaadayo


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.

Mareykanku waa dal soo galooti. Dad ka kala yimid daafaha dunida oo dhan ayaa yimid Mareykanka si ay fursad ugu helaan in ay noloshooda bedelaan. Qaar waxa ay u yimaadeen ina y ka soo baxsadaan dhibaatooyin dhaqaale oo dalalkoodi ku hayey, qaar waxa ay ka soobaxsadeen cadaadis ama in ay ka nabad galaan xukuno maxkamadeed. Soo galooti ka soo jeeda qowmiyad walba iyo diin walba waxaana ay saameyn balaaran ku yeesheen Mareykanka. Waxa ay caawiyeen horumarka dalka.

Sanadihii dhawaa, Mareykanku waxa ay bedeleen qaab howleedkii nidaamka soo galootiga iyoq axootiga iyo tiro dhimistii sida weyn u saameysey qaxootiga iyo soo galootiga degaya dalkan Mareykanka. Madaxweyne Biden waxa uu sii wadaa balaarinta fursadaha dib u dejinta ee dhamaan qeybaha kala duwan ee qaxootiga si loo balaraiyo sida ku xusneyd soo saarista go’aankiisii madaxweyne ee lagu kordhinaayey tiarada qaxootiga dalkan loo ogol yahay oo la gaarsiinayo sanadka 2022 125,000.

Qoraal uu soo saarey xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayuu ku yiri “Mareykanku waa, weyna sii ahaan doonaan hogaanka dunida ee ka jawaabida gargaarka bani’aadanimo ee caalamiga ah oo ay ka mid tahay dib u dejinta qaxootiga”

“Waxaa naga go,an dib u dhiska barnaamijka ogolaanshiyaha qaxootiga ee Mareykanka, taasoo ah dhan fog oo soo jireen ah in dadka in la dhibaateeyo ka baqaya la siiyo rajo iyo goob amaan ah, weynu ku faraxsanahay inaanu ka shaqeyneyno qaab dhismeedka barnaamijkan oo ay ka mid tahay xoojinta nidaamka dar dar gelinta nidaamka soo qaadista qaxootiga, inagoo dhaqaale hor leh galineyna heyadaha heer hoose iyo mid gobo lee nagala shaqeeya dib u dejinta qaxootiga, inagoo balaarineyna barnaamijka dadka lagu martigelinayo ama loo yaqaano Sponsordhipka” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyey “Taariikh ahaan dalkeenu waxa uu dib u dejin u sameeyey 3.1 Million oo qaxooti ah hadana waxaanu bartamaha uga jirnaa in si amaan ah aynu Mareykanka ugu soo dhaweyno tobaneeyo kun oo Qatar ay ku heysatey Afghanistan, inagoo eegeyna udub dhexadka qiimaha Mareykanka ee ah in aynu gabaad siino dadka u baahan. Waxaanu qireynaa gacanta weyn ee ay qaxootigu ka geystaan dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqamada guud ahaan dalka Mareykanka, waxaana naga go’an in aynu dib usoo dhisno barnaamijka dib u dejinta qaxooiga, inagoo dhinaca kalena xaqiijineyna kalsoonid abarnaamijkan ilaalineynana amaanka qarankeena.”

Dib u howlgelinta barnaamijka Aqbalaada qaxootiga waa mid ka mida qodobada ugu muhiimsan ee madaxweyne Biden uu balan qaadey inuu dib u soo celin doono iyadoo loo maraayo dhabe amaan ah, qaabeysan iyo nidaam dadku ku socdaalaan.

XS
SM
MD
LG