Accessibility links

Breaking News

Horumarinta Waxbarashada Caalamiga ah


서맨사 파워 미국 국제개발처장.
서맨사 파워 미국 국제개발처장.

Tani waa faallo ka ka turjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

In la siiyo xuquuqda Caalamiga ah ee Waxbarashada, gaar ahaana waxbarashada gabdhaha, waa mid ka mid ah soo celinta ugu fiican ee maalgashiga. Sidaasi waxaa sheegtey Samantha Power oo ah maamulaha Hay’adaha Horumarinta Caalamiga ahe ee Mareykanaka oo dhowaantan ka hadashey arinkaasi.

“Cilmi-baaris la sameeyey dhowaantan ayaa muujineysa in dollar kasto oo la galiyo xuquuqda gabdhaha iyo waxbarashada, waddamada soo korayo ay arki karaan soo celinta $2 dollar iyo 80 senti. Hal sano oo dheeraad ah oo dugsiyeedka ayaa kordhinkara dakhliga haweenka Boqolkii ba Toban ilaa Labaatan”

Waxaa intaasi dheer, in sanadkasto oo dheeraad ah oo Iskuulayn ah ay inuu hoos u dhigo qalaaso ay gali karaan wiilasha qalaasaha boqolkiiba 20.
Hal cilmibaaris oo la sameeyey ayaa qiyaasatey in ka badan kala bar dhimista dhimashada caruurta adduunka oo dhan, tan iyo 1970 ay la xariirto kororka waxbarashada haweenka da’da taranka.

“Nasiib daro ayaa ah in Masiibadda Covid-19 waxaa ay burburisey hanaankii waxbarasho ee adduunka, ayey tiri maamule power. Ayadoo oo laga jawaabayo taasina waxaa hay’ada USAID waxey habaysay barnaaijyada tacliinta in ka badan 50 wadan la siinayo si ay u gaarto waxbarashada in ka badan 24 Milyan oo arday oo waxbarashadooda u carqaladeeyo Covid-19.
Si kastaba ha ahaatee, gabdho badan, qaxooti, iyo dad gudaha ku barakacay ayaa wali aanan awoodin inay helaan waxbarasho. Taasi waa sababta USAID ay ugu dhawaaqdey $37 Millyan oo dollar oo lagu maalgalinayo mashruuca waxbarashada aan sugi Karin (Education Cannot Wait” oo ay ku jirto $14 Million oo dollar oo ah dhaqaale ay ku deeqdey ah Waaxda Dad weynaha, Qaxootiga iyo socdaalka.

Waxbarashada aan sugi Karin, waa hanaan cusub oo waxbarasho oo kor u qaadayo helida waxbarasho goobaha ay ka jiraan xasaradaha sida bartamaha iyo Waqooyiga dalka Mali, halkaasoo Iskuuladii la xirey xataa ka hor intuusan Covid19 imaanin, ayadoo la siinayo Radio yaal ku shaqeeyo Tamarta Cadcadeeda laga dhaliyo, ardeyda waxaa ay wax ku baranaan meelo ka baxsan fasalada.

Marka la eego gobolada dagaalka ay jiraan iyo kuwa qalaasaha ay kor u dhaceen ee sida Afghanistan, Yemen, iyo Ethiopia, Mashruuca “Education Cannot Wait” ayaa u ogolaanayo Malaayiin dad ah oo ah kuwa aanan helin fursada caruurtooda iyo dadka waaweynba inay sii wataan tacliintooda.
“Dowlada Mareykanka waxa si sharaf leh uu u taageerey barnaamijka waxbarashad ma sugi Karin, “Education Cannot Wait” taniyo markii la bilaabay sanadkii 2016- sidaasi waxaa tiri markale maamule Power.

“Waxaan sii wadi doonaa iskaashiga aan ku kobcinayno in waxbarashada ay helaan, ayna kordhiyaan waxyabaha kasoo baxo waxbarashada, waxaana rajanaynaa inaan gaarno ardeyda la soocay, gaar ahaan gabdhaha, qaxootiga io dadka ku barakacay gudaha, kuwa Jinsiga iyo rabitaankooda gaar ah, ee laga tirade badan-yahay, iyo caruurta qabo baahiyaha gaar ah.

Marka loo siman yahay waxbarashada, natiijada waa iska cadahay; Koror dhaqaale oo baahsan, natiijada daryeel caafmaad oo sare loo qaadey, Dimoqraadiyad xooggan, bulshooyin degan oo nabdoon, caruur guulaystey ooh adda caafmaad badan leh’ waa inaan intaas xaqiijinaa ayey tiri Power. “Dunidu ma seegto jiil leh karti iyo muhiimad."

XS
SM
MD
LG