Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo dib ugu biiraya Golaha Xuquuqda Aadanaha QM


Linda Thomas-Greenfield
Linda Thomas-Greenfield

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka

Maraykanka ayaa dib ugu biiri doona golaha xuquuqda aadamaha ee Qaramada Midoobay.

Talaabadan ayaa ah mid ka turjumaysa ballan qaadkii madaxweyne Joe Biden ee ahaa in uu siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ku xoojin doono difaacidda xuquuqda aadamaha.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in goluhu uu kaalin muhiim ah ka qaato ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo xoriyaadka asaasiga iyo sidoo kale diiwaangalinta gaboodfalada dhaca si loola xisaabto kuwa xadgubka ku kaca.

Xogahaya ayaa intaaasi raaciyay in goluhu uu u taaganyahay difaaca dadka aan awoodin inay isdifaacaan.

Laakiin xoghayaha ayaa sheegay inay jiraan qodobo la dhaliili karo oo u baahan in goluhu ka taxadaro, waxaana ka mid ah fiirada gaarka ah ee lagu hayo Israel iyo xubinimada dalal ku xadgudba xuquuqda aadamaha.

Danjiraha maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, sheegay in maraykankau uu xubinimadaasi uga qayb qaadan doono sidii diirada loo saari alahaa waxa laga qaban karo xaaladaha ka jira dalalka Afghanistan, Burma, China, Ethiopia, Syria, iyo Yemen.

Danjiraha ayaa sheegtay in dowladda maraykanku ay dhiiri galin doonto xuriyadaha asaasiga ah, iyo xuquuqda haweenka isla markaana ay ka soo horjeedsan doonto cadaadinta diimaha, midab takoorka, iyo ku xadgudubka dadka laga tirada badanyahay.

Dowladda Maraykanka ayaa ka hortagi doonta in ay golaha xubn ka noqdaan dawladaha ku xadgudba xuquuqda aaadamaha.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa u mahadnqay dalalka xubinta ka ah Qaramada midoobay oo fursad u siiyay maraykanka inuu dib ugu biro golaha xuquuqda aadamaha, isaga oo xusay in uu maraykanku kala shaqayn doono caalamka ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadamaha.

XS
SM
MD
LG