Accessibility links

Breaking News

Xadgudubyada iyo dagaalka Ethiopia waa inay dhammaadaan


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa wali si qoto dheer uga walaacsan xaaladda colaadeed ee sanadka jirsatay ee ka taagan wuqooyiga dalka Ethiopia.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo lala beegsaday caasimadda gobolka Tigray ee Mekele iyo sii socoshada xadgudubyada ka dhanka ah xuuqda aadanaha iyo xasuuqa ay geysanayaan ciidamada difaaca qaranka ee Ethiopia, ciidamada Eritrea, maleeshiyada deegaanka Amxaarada, kuwa jabhadda xoreynta TPLF iyo kooxaha kale ee hubeysan ay keeneen walaaca qotada dheer.

“Waan cambaareyneynaa dhamaan xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka, sida ugu macquulsan, waxaana ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada dagaallamaya inay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha islamarkaana ay u hogaansamaan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price.

Waxuu intaasi ku daray, “waxaan isla garannay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo hogaamiyeyaasha ururka Midowga Afrika, inuusan jirin wax xal milatari ah oo laga gaaray dagaalka ka socda wuqooyiga Ethiopia, waana in la helo xal siyaasadeed, waxaan ku boorrineynaa dowladda Ethiopia iyo jabhadda xoreynta dadka Tigray inay hal mar isugu yimaadaan wadaxaajoodyo aan shuruudo ku xirneyn si loo gaaro xabbad joojin waarta.”

Warbixinnada soo baxaya ee la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha waxay hoosta ka xarriiqayaan, in la helo baaritaan deg deg ah oo madax bannaan oo lagu kalsoonaan karo, waa muhiim dhamaan dhinacyada is haya inay ogolaadaan ayna fududeeyaan galaangalka baaritaannada noocan ah. Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Ethiopia si gaar ah, inay ogolaato, fududeysana baaritaanka dhamaan hay’adaheeda dowliga ah.

Afhayeen Price ayaa yiri, “waxaan sugaynaa warbixnta guddiga sare ee xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ee la xiriirrta, xaaladda xuquuqul insaanka ee Tigray iyo in lasoo saaro warbixnta baaritaanka wadajirka ee guddiga xuquuqda aadanaha ee Ethiopia iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee xuqququl insaanka sida uugu macquulsan. Sidoo kale waxaan ku boorrineynaa in wada shaqeyn buuxda lala yeesho guddiga baaritaanka midowga Africa ee xuquuqda aadanaha.”

Sameynta hannaan hufan oo madax bannaan islamarkaana lagula xisaabtamyo kuwa ka mas’uulka ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ayaa udub dhexeed u ah nabagelyda iyo dib u heshisiinta ee dalka Ethiopia.

XS
SM
MD
LG