Accessibility links

Breaking News

Mareykanka iyo Mexico oo isku raacay naqsha cusub oo amni


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka iyo Mexico ayaa ku kulmay magaalada Mexico 8-dii Oktoobar, kuwaas oo isla meel dhigay qaab cusub oo amniga ku aaddan, kaas oo xooga saaraya mudnaanta, qiyamka iyo mas’uuliyadaha la wadaago.

Qaabka cusub waxa uu casriyeynayaa Hindisaha Merida 2008 waxaana lagu magacaabay "Qaabka Laba-boqol Sannadlaha ah ee US-Mexico ee Amniga, Caafimaadka Dadweynaha, iyo Bulshooyinka Nabdoon."

Sida laga soo xigtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken, Qaab-dhismeedka Laba boqol sanadeedka wuxuu leeyahay saddex hadaf. Midda koowaad waa ilaalinta caafimaadka guud iyo badbaadada dadka Maraykanka iyo Mexico. Xoghaye Blinken wuxuu sharaxay in halka sharci fulinta ay door muhiim ah ka ciyaaraan dhimista dilal iyo dambiyo kale oo waaweyn, haddana waagii hore aad ayaa loogu tiirsanaa ciidamada ammaanka.

"Dadaalladeennu waa inay sidoo kale ku jiraan ka-hortagga ku-takri-falka mukhaadaraadka, daaweynta, iyo taageerada soo kabashada si aan u caawinno kuwa la halgamaya balwadda, si loo yareeyo waxyeellada qoto dheer ee daroogada sharci-darrada ah ay u geysato bulshooyinkayada, iyo in la yareeyo baahida. Waxayna dawladadaheenu isku raaceen in ilaalinta dadkeenna ay ka dhigan tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha.”

Intaa waxaa dheer, Xoghaye Blinken wuxuu xusey baahida loo qabo maalgashiga fursadaha dhaqaale, gaar ahaan bulshooyinka iyo gobollada aan baahiyadooda la daboolin, taas oo ahayd diiradda ugu muhiimsan ee wada-xaajoodka dhaqaale ee heerka sare ah ee Maraykanku dib ula bilaabay Mexico bishii Sebtembar.

Hadafka labaad ee Qaab-dhismeedka Sannadlaha Laba boqol sanadlaha ah waa ka hortagga muqallisnimada xuduudaha. "Waan ognahay in dhimista ka ganacsiga hubka ay tahay mudnaanta Mexico, maadaama qaar badan oo ka mid ah hubka sharci darrada ah ee [Mexico] ay ka yimaadeen Mareykanka," ayuu yiri Xoghaye Blinken. "Waxaa naga go'an inaan sii xoojino iskaashigayada ku saabsan raadinta hubka, baaritaannada, iyo in dacwad lagu soo oogo si loo carqaladeeyo qul qulkaasi.”

Ugu dambeyntii, yoolka saddexaad wuxuu diiradda saarayaa raadinta shabakadaha dambiyada caalamiga ah. Xoghaye Blinken wuxuu yiri, waxaan nidaamyada caddaaladda labada dal ka dhigi doonnaa kuwa wax ku ool u leh baaritaanka iyo daba-galka dambiyada abaabulan iyo kordhinta iskaashiga ku saabsan isu-celinta."

Xoghaye Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay "mudnaanta ay leedahay qaabkan cusub, waxaan rabnaa iskaashiga Maraykanka iyo Mexico inuu noqdo wax badan, oo ka badan, socdaalka iyo amniga. Taa beddelkeeda, waa inay ka tarjuntaa arrimo badan oo kala duwan oo aan wadaagno sida danaha iyo qiyamka, oo ay ku jiraan deegaanka, beeraha, tignoolajiyada, tamarta, ganacsiga, iyo fikradaha hal-abuurka ah ee aan la nimid wadahadalkii ugu horreeyay ee heerka sare ee dhaqaalaha. ”

"Bilaha soo socda iyo sanadaha soo socda," Xoghaye Blinken wuxuu yiri, "waxay noqon karaan isbedel lagu xaqiijinayo kartida buuxda ee xiriirka Mareykanka iyo Mexico iyo in si dhab ah loo gaarsiiyo dadkeena."

XS
SM
MD
LG