Accessibility links

Breaking News

OAS oo cambaareysay caburinta iyo doorashada aan dimoqraadiga aheyn ee Nicaragua


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Ururka wadamada qaarada America ee OAS waxa uu si cad u dabaqay qaraar ka dareen celinaya sii socoshada xaalada siyaasada iyo xuquuqda aadamaha ee sii xumaanayasa ee Nicaragua iyo dedaalka dawladu ay ku wiiqayso hanaanka doorashada.

Bishii October 20-keedii qaraar ay soo saareen OAS ayay ku baaqeen in si dhakhso ah loo sii daayo musharaxiinta madaxtinimada iyo maxaabiista siyaasada, iyagoo ku booriyay dawlada Nicaragua inay hirgaliso dib habayntii doorashada si ay u ogolaadaan doorasho xor iyo xalaal ah, iyagoo sidoo kalena ka dhawaajiyay inay muhiim tahay in la bilaabo talaabo dheeri ah iyadoo la raacayo heshiiska OAS iyo ka wadamada America ku yaala, iyadoo ay ku ladhan tahay qiimaynta lagu samayanayo doorashooyinkii November 7-deedii ka dhacay Nicaragua kulanka caadiga ah ee 51-aad ee golaha guud ee OAS.

Qaraarka OAS ayaa imanaya kadib muddo sanado ah oo maamulka madaxweyne Daniel Ortega, xaaskiisu iyo madaxweyne ku xigeenka Rosrio Murillo ay ku xadgudbayeen xuquuqda.

Iyagoo sameeyey olole ay ku cadaadinayaan bulshada rayidka ah, wariyeyaasha iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Boqolaal qof oo reer Nicaragua ah ayaana sababo siyaasadeed loo xidhay, iyadoo in ka badan boqol kun oo kalena ay wadanka ka baxsadeen, bishi August maamulku waxa uu abaaray wax kasta oo ka hadhsanaa rajadii laga qabay doorashooyin dimuqraadi ah kadib markii ay reebeen xisbigii mucaaridka ahaa ee dalka ugu weynaa inuu u tartamo doorashooyinkii November 7-deedii.

Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa u sacaba tumay qaraarka OAS,kaasi oo lagu xusay hoostana lagaga xariiqay cambaaraynta xoogan ee dawladaha xubnaha ka ah ee “ hanaanka doorashada aan dimuqraadiga ahayn iyo sii socoshada caadiska ee Madaxweyne Ortega iyo madaxweyne ku xigeenka Murillo."

Bradley Freden ku simaha wakiilka rasmiga ah ee Maraykanka ee ururka OAS ayaa sheegay in qaraarku uu fariin cad u diray madaxweyne Ortega iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Murillo taasi oo ah in ficiladooda aanay u dul qaadan doonin dalalka qaarada America”

Sergio Ramirez oo ah qoraa loo bogay hadana mustaafuris ugu nool dalka Spain waa mid ka mid ah hogaamiyeyaasha kacdoonka Nicaragua kuwaasi oo Daniel Ortega ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro digtaatooriyadii Anastasio Somoza sanadkii 1979-kii.

Waraysi dhawaan uu la yeeshay wargayska Havana Times ayaa Ramirez uu ku idhi “Ortega waxa uu ka horimi taariikhda ka hogaamiye kacdoon ahaan, balse waxa uu u xukumayaa sidii kalidii taliye, midabka mabda’u macne ma leh, shaki la’aan waa kalidii taliye.”

Ka kusime ahaan wakiilka rasmiga ah ee Maraykanka ayaa Freden uu sheegay in “Daniel Ortega iyo Rosario Murillo aanay haysan ogolaanshiyaha dadka reer Nicaragua si ay Nicaragua uga dhigaan meel ay wadaan kali talisnimada hal xisbi iyo hal qoys.”

Waxaana uu sheegay in Maraykanku “Uu sii wadi doono inuu adeegsado dhamaan hanaanka diblomaasiyada iyo dhaqaale si loola xisaabtamo kuwa wiiqay awooda reer Nicaragua ay si xor ah ugu dooran lahaayeen mustaqbalkooda”

XS
SM
MD
LG