Accessibility links

Breaking News

Maduro waa inuu ku laabtaa wada-hadallada mucaaradka


Nidaamka Maduro ee Venezuela ayaa qaadacay wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyada mucaaradka ee loo qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Mexico City, 17 ilaa 20-ki bishii Oktoobar. Geedi socodka wada hadallada oo si rasmi ah u billowday saddexdii bishii Sebtember, ayaa rajo laga qabaa in ay dalka Venezuela kusoo celiyaan dariiqa dimuqraadiga ah.

Maduro ayaa diiday inuu wafdi u diro wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada ka dib markii nin ay isku dhow yihiin oo ah maalgeliye sharcdarro faraha la galay Alex Saab, loo gacan galiyay Mareykanka, kaddib marki lagu soo eedeeyay sannadki 2019-ki, danbiyo la xiriira lacago sharci darro ah iyo inuu ku xad-gudbay sharciga Musuqmaasuqa Dibadda ee Mareykanka (FCPA).

Isaga oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay shir-jaraa’id oo uu uga hadlayay go’aanka Maduro u uku qaadacay shirka, ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken arrintaasi ku tilmaamay “Nasiib-darro qoto-dheer.”

"Waxay sidoo kale muujinaysaa, nasiib darrada ah in Mr. Maduro uu ka hormarinaya danaha gaarka ah danaha dadka Venezuela iyo in danta hal qof laga hormariyo danaha dhammaan dadka Venezuela," ayuu yiri Mr. Blinken.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay kiiska dambiyada ee ka dhanka ah Alex Saab "in uu socday qaybta ugu muhiimsaneyd ee tobanka sano," wuxuuna hoosta ka xariiqay dabeecadda madax-bannaan ee garsoorka Mareykanka, kaas oo u dhaqma si ka duwan "wax kasta oo ku dhacaya waddo siyaasadeed," sida wada-xaajoodyada u dhexeeya maamulka Maduro iyo xisbiyada mucaaradka.

Mar wax laga weydiiyay shir jaraa'id oo gaar ah oo ku saabsanaa Citgo-6 iyo qaadacaada Maduro ee wada xaajoodka Venezuela, ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price ku sheegay in lixda maamule uu Maduro ula dhaqmay sida inay yihiin "Diibaaji siyaasadeed," oo ay dhibanayaal u yihiin "dhaqanka foosha xun ee xarigga sabab la'aanta ah. " Price wuxuu ugu baaqay Maduro inuu soo sii daayo iyaga "si degdeg ah oo shuruud la'aan ah."

Mr. Price ayaa ku dhawaaqay, in Mareykanka " uu taageerayo wada-xaajoodka ay hoggaaminayso Venezuela ee u dhexeeya Mucaaridka Midnimada Platform iyo nidaamka Maduro... waxaanan sii wadeynaa in aan aaminsanahay in ay horseedi karaan dib u soo celin nabadeed oo dimoqraadiyad ah taas oo dadka Venezuela ay si dhab ah u rabaan oo ay mudan yihiin "

Intii lagu guda jiray safar uu dhawaan ku baxay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Cirifka Galbeed ee dunida Brian Nichols ayaa yiri, "Haddii maamulka Maduro ay dhab ka tahay in rabitaankooda ah in ay shacabkooda ay mustaqbal wanaagsan u abuuraan, wax ka qabtaan arrimaha bini'aadanimo ee hadda miiska saran lana rabay in looga hadlo wadahadalladi la qaadacay. Nidaamka Maduro ayaa muujin kara in uu ku soo laabto miiska wadahadalka. Ururka Madasha Midnimada wuxuu diyaar u yahay inuu la kulmo iyaga... Haddii ay horumar ka sameeyaan arrintaas, Maraykanku wuu soo dhaweynayaa."

XS
SM
MD
LG