Accessibility links

Breaking News

Abaal-marin la xiriirta akhbaar ku saabsan tahriibiye Pakistani ah


Tani waa faallo ka tarjumeeysa aragtida dawlada Mareykanka

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday laba abaalmarin oo la siin doono ciddii keenta xog la xiriirta mukhalaska Abid Ali Kahn oo u dhashay dalka Pakistaan.

Abaalmarinta ugu horeysa oo gaareysa ilaa 1 milyan oo dollar ayaa loo balanqaaday cidii keenta xog lagu xiriirin karo ama xukunka Ali Khan, halka $1 milyan oo dollar ee labaad la siin doono cidii keenta xog horseeda carqaladeeynta maaliyadeed ee shabakada Ali Khan ee dadka tahriibisa.

Ali Khan ayaa lagu eedeeyay inuu ka howlgalo shabakad wax tahriibisa oo fadhigeedu yahay Pakistan, taasoo fududeysay socdaalka shaqsiyaadka aan sharciga lahayn ee Mareykanka uga imaanaya Bariga Dhexe iyo Koonfur-galbeed ee Aasiya si ay lacag uga qaataan oo ay dheertahay qorsheynta iyo isku dubaridka socdaalka caalamiga ah ee Pakistan isaga oo maraya waddamo badan, Ali Khan ayaa lagu eedeeyay inuu siiyay muwaadiniinta ajnabiga ah dukumeenti been abuur ee loo isticmaalo safarka.

Ururada wax tahriibiya sida kan Ali Khan ayaa ka faa'iidaysta dadka nugul waxayna si xun u halis galiyaan shakhsiyaadka la tahriibinayo.

Dadka loo soo tahriibiyo dalka Maraykanka ayaa inta badan waxa ay maraan koonfurta iyo badhtamaha America kuwaas oo ku lug yeelan kara maalmo badan oo ay ku dhex lugaynayaan dhul adag oo ay cunto iyo biyo yari ku jiraan, iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay dhibane u yihiin dhac iyo tacadiyo inta ay safarka ku jiraan.

Abriil 7deedii ee 2021 Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa daaha ka qaaday eedeymo federaali ah oo laga gudbiyay degmada Bari ee Virginia eedeymaha Ali Khan ee ku saabsan shirqoolka lagu dhiirigelinayo oo uu ku kicinayo ajaaniibta inuu si sharci darro ah ku soo geliyo Mareykanka, iyo Keenida Shisheeyaha dalkan Maraykanka.

Sidoo kale bishii April Waaxda Khasnadda waxay soo rogtay cunaqabatayn ka dhan ah Ali Khan iyo ururkiisa Dembiyada Ku-meel-gaarka ah iyada oo la raacayo Amarka Fulinta ee 13581Ka ee ka -hortagga Hantida Ururrada Dembiyada Caalamiga ah oo ka yimid isla fal dambiyeed.

Abaalmarinadan waxaa lagu balanqaaday Barnaamijka Abaalmarinta Dambiyada Abaabulan ee Waaxda Gobolka.

In ka badan 75 dembiilayaal heer caalami ah iyo kuwa ka ganacsada mukhaadaraad waaweyn oo la horkeenay cadaalada iyadoo la raacayo Barnaamijka Abaalmarinta Dambiyada Abaabulan ee Ku-meel-gaarka ah iyo Barnaamijka Abaalmarinta Mka hortaga aandooriyaha tan iyo 1986, iyadoo Wasaaraddu ay bixisay in ka badan $150 milyan oo abaal-marin ah ilaa maanta.

Si aad u soo gudbiso macluumaadka Abid Ali Khan, waxaad email ku soo diri kartaa abid_khan.tips@ice.dhs.gov adoo wacaya 1-802-872-6199 ama fariin ku diraya WhatsApp +1-786-583-5997.

Abaalmarin bixintan ayaa muujineysa sida ay Mareykanka uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada caalamiga ah iyo in cadaaladda la horkeeno kuwa baxsadka ah ee ka howlgala meel ka baxsan Mareykanka.

XS
SM
MD
LG