Accessibility links

Breaking News

Wada-hadallada Nukliyeerka Iran oo dib u billaabanaya


Tani waa faallo ka turjumayso aragtida Dowladda Mareykanka.

Dowlada Iran ayaa ogolaatey in lasoo celiyo wada xaajoodkii hubka Nuclear ee dalkaasi, kadib markii la hakiyey muddo 5 Bilood ah. Midowga Europe, oo ahaa isu dubaridaha howshaan, ayaa ku dhawaaqey in dhamaan dhinacyada ay u kulmaan markale si ay u yeeshaan wareeggii 7-aad ee wadaxaajoodka Vienna oo dhici doono bishan November 29 keeda.

Dhinacyada ayaa ka wada arinsan doono sidii ayagoo dhan ay usoo wada celin lahaayeen in Mareykanka iyo Iran ay u hoggaansamaan qorshaha wada jirka ah ee waxqabadka ama JCPOA

Dowlada Mareykanka ayaa xulufadooda Europe iyo Mid ka dheeri ah, ayaa dhowaantan isku maandhaafayin Iran “ay ka faaideysato fursadan ayna lasoo noqoto aaminaad rasmi ah iyo dadaalo ay ku soo gabagabaynayso wada xaajoodka ayadoo deg deg ah”

War qoraal ah oo lasoo wada saarey ayaa madaxweyne Joe Biden, Raisal-Wasaaraha Germalka Angela Marke, Madaxweynaha Fransiiska Emmanual Macron iyo Raisul-Wasaaraha Britain Boris Johnson waxaa ay sheegeen in tani ay tahay habka kali ah ee lagu xaqiijinkaro in khatarta ay kasii darto, taasoo aysan wax dan ugu jirin dalna”

Afarta hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqey in “ayagoo qabo walaac sii xoogaysanayo oo daran” in Iran ay sii laba laabtey talaabooyinkeeda ay ku naaxinayso nuclearka, taasoo ay ku jirto soo saarista macdanta Uranium-ka oo tayo sare leh iyo birta uranium-ka. Ayadoo Iran ay yareysay wada shaqeyntii iyo hufnaanta ay la leedahay Wakaalladda Tamarta Atoomikada ee Caalamiga ah.

Afarta hoggaamiye ayaa waxaa ay ballan qaadeen inay hubiyaan in Iran aysan marnaba sameyn Karin ama helikarin hub Nuclear ah.

Ayadoo shir jaraaid oo deg deg ay sameeysay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee Mareykanka Ned Price waxa ay kaga hadashey rabitaanka Iran ay ku rabto inay dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodka.
“Waxaan rumaysay in ay wali si deg deg ah ula soo xariirto una hirgaliso fahamka wada jirka ah ee loogu hoggaansamayo JCPOA ayagoo xirayo dhamaan waxyabaha yar yar wali laysku mari la’yahay dhamaadka bisha June markaasoo loo madlanyahay wareegga 6-aad in la soo gabagabeeyo” ayuu yiri. Waxa kale oo aan

“Laakinse waxaan cadeynay, waxyaabo ay ku jirto in hakadka soo jiitamayey in mudo ah, kuwaasoo ah in daaqadaha fursadaha aysan furnaan doonin abid… gaar ahaan hadii Iran ay sii wado tallaabooyinka ay ku naaxinayso hubka nuclear ah.

“Waxaan xaqiiqdii hubnaa in marka Wafdiga Iran ay kusoo noqdaan Vienna dhamaadka bishaan” sidaasi waxaa yiri afhayeen Price. “Waxa ay udiyaargaroobayaan wada xaajoodka, waxaana ugu diyaaragaroobayaa si deg deg ah, oo kalsooni badani ay ku jirto”

XS
SM
MD
LG