Tani waa faalo ka tarjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.
Si loo xaqiijiyo furnaanshiyaha mareegaha internetka, xogo isdhaafsi aamin ah iyo internet la isku haleyn karo ayaa ah arrin aad muhiim ugu ah maamulka Biden iyo Kamla Harris.
Mareykanku waxa uu hormuud u yahay dadaallo gudaha iyo dibadda ah oo lagu ilaalinaayo dadka Mareykanka, adeegyada bulsho ee muhiimka u ah iyo saaxibadaba dhaqdhaqaaqyada waxyeellada wada ee mareegaha internetka . dadaaladan ayaa u muuqda kuwo hadda miradhalaya.
Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqday dacwado ka dhan ah laba qof oo shisheeye ah, kuwaas oo watey virusyada computerada loogu dhaco nooca Sodinokibi/REvil, si baad looga qaato ganacsatada iyo hey'adaha dowladda Mareykanka.
Yaroslav Vasinskyi, oo u dhashay dalka Ukraine ayaa lagu soo oogey dacwad ku aaddan inuu soo galiyey dalkan barnaamijyada Computerada loogu dhaco, kaasoo dhowr dhibbanayaal ah lagu waxyeelleynaayey oo ay ka mid tahay dhacdadii lagu bartilmaameedsadey bishii July ee sanadkan kumanaan macaamiil ah oo ay laheyd shirkada Kaseya oo ah shirkad ay muwaadiniin kala duwan leeyihiin oo ka shaqeysa xogaha internetka iyo barnaamijyada computerada.
Waaxda caddaalada waxaa kale oo ay ku dhawaaqdey in ay qabatey 6.1 Million oo lacago ah taasoo lagu daba galey aheydna lacag loo direy Yevgeniy Polyanin oo u dhashey dalka Ruushka kaasoo isna lagu soo oogey dacwado ku aadan inuu keeney barnaamijka xogaha computerada loogu dhaco ee Sodinokibi/REvil kaasoo lagu dhibaateeyey dhowr dhibane iyo ganacsiyo iyo heyado dowladeed oo ku yaala gobolka Texas bishii Augost ee sanadkii 2019ka.
Sida ku xusneyd dacwada Vasinskyi iyo Polyanin ay u dheceen xogaha gaarka ah ee dhowr shirkdood iyagoo ku shubey barnaamijka wax lagu dhaco ee Sodinokibi/REvil si ula baxaan xogaha gaarka ah ee computerada dhibanayaashan.
Xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka Merrick Garland ayaa yiri
“ Danbiyada mareegaha internetka waa mid aad halis ugu ah wadankeena, amniga nafteena, amniga dhaqaaleheena iyo amaanka qarankeenaba” Garland ayaa intaas raaciyey” fariinteenu waa mid cad, Mareykanka iyo saaxiibadeenaba waa in aynu sameyn doono wax walba oo awoodeena ah si aynu u helo danbiilayaasha geysta weerardan dadka lacagaha looga qaadanyo ee xogahooda loogu dhacayo si cadaalada loo horkeeno loona soo celiyo dhaqaalihii ay ka xadeen dhibanayaashan.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Monaco ayaa isn yiri “ fariinta aynu I direyno danbiilayaasha u dhaca computerada ee ka dibna lacagaha weydiista waa mid cad hadii aad qof ku bartilmaameedsataan gudaha Mareykanka inaguna waynu ku bartilmaameedsan doonaa”
Madaxweyne Biden ayaa u sheegey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Mareykanku ay qaadi doonaan talaabo walba oo lama huraan u ah in ay dadkooda ku ilaashadaan iyo adeegyada muhiimka ah si ay ula tacaalaan caqabadahan.
Madaxweyne Biden ayaa yiri “ taasi waa waxa aynu sameyney, waxaanu adeegsaneynaa awooda dowlada oo dhan si aynu u hor istaagno weerarada halista ah oo mareegaha internetka iyo dadka falalkan geystaba, adkeysi adloo yeesho weeraradan, in aynu wajahno sida xun ee loo adeegsado lacagaha internetka ee aan waraaqaha aheyn ee loo gudbiyo dadka xogaha ka xada mareegaha internetka, inagoo ka faa’iideysaneyna galaangalka caalamiga ah ee aynu u leenahay in aynu carqaladeyno lacagaha baada ah ee kooxahani qaataan iyo in aynu helno goobaha ay kooxahani ku dhuuntaan ee gabaadka u ah”
Madaxweyne Biden ayaa sheegey inuu sii wadi doono in ay adeegsadaan wax walba oo suurtagal ah oo ay ku ilaalinayaan dadka Mareykanka iyo danahooda in aanan lagu dhibaateyn mareegaha internetka.