Accessibility links

Breaking News

Taageerada ciidamada wadajirka ah ee G5 Sahel


Sahel, Africa
Sahel, Africa

Tani waa faalo ka tarjumeysa aragtida dowlada Mareykanka. Gobolka Sahel ee Afrika, oo ah aagga ka hooseeyaa saxaraha lamadegaanka, ayaa weeraro argagixiso la kulmayey in ka badan toban sano.

Sannadkii 2013-kii, ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali waxay gacan ka geysteen sidii ay waqooyiga Maali ugala wareegi lahaayeen kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka faa’iidaystay colaadda gudaha ee Mali, si ay xukunkooda adag ugu soo rogaan magaalooyin badan oo halkaas ku yaalla. Wixii markaas ka dambeeyay, gobolka Sahel waxa uu la kulmay kor u kac aad u sarreya oo ah dhinaca weerarrada argagixisanimo ee la isku dubariday ee lala beegsanayay rayid iyo miltariba.

Iyadoo ujeedku uu yahay ka hortagga khatartan, Burkina Faso, Chad, Mali, Mauritania iyo Niger, oo dhammaantood xuduud la leh Sahel, ayaa sameeyay Ciidan Wadajir ah 2017, kuwaas oo hoos yimaada kooxda shanta ah ee Sahel markii ugu horreysay ee la sameeyay 2014, ama si kale loo yaqaan sida G5 Sahel.

Bishii November 12-keedii, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Hawlgallada Nabadda, Jean-Pierre Lacroix, ayaa sheegay, in gobolka uu yahay mid aad u xasilloon, oo dadka rayidka ah uu soo gaarayo khasaaraha ugu badan.

"Maraykanku waxa uu ka walacsan yahay kor u kaca xag-jirnimada rabshadaha wadata, rabshadaha beelaha dhexdooda ah, baahida bini'aadantinimo ee sii kordheysa, iyo xaaladaha qaarkood ee dib u dhaca dimuqraadiga ah ee Sahel," ayuu yiri ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Richard Mills.

G5 Sahel, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah jawaabta wadajirka ah ee amniga gobolka.

Maraykanka waxaa ka go'an in uu sii wado iskaashiga xooggan ee laba geesoodka ah ee uu la leeyahay Dawladaha xubnaha ka ah G5 Sahel iyadoo la siinayo qalab, tababar, iyo taageero la-talin ah ee awood darrida la xiriirta, ayuu yiri danjire Mills.

"Maraykanku waxa uu ku qasbanaaday inuu bixyo in ka badan $588 milyan oo kaalmada amniga iyo taageerada kale ee ka hortagga rabshadaha xagjirka ah ee shanta waddan ee G5 Sahel tan iyo 2017.

Waxaan aaminsanahay in kaalmadan ay gacan ka geysatay xoojinta awoodda iyo waxtarka iyada oo la taageerayo dadaallada wax looga qabanayo laguna ilaalinayo xaquuqdaha aadanaha. Waxaan ka codsaneynaa saaxiibbadadeenna inay ixtiraamaan ballanqaadkooda Ciidanka Wadajirka ah, iyo sidoo kale shakhsiyaadka militariga, oo ay nagu soo biiraan sidii aan wax badan ula qabsan lahayn saaxiibbadeenna muhiimka ah ee Saaxil,"

Si kastaba ha ahaatee, danjire Mills waxa uu intaas ku daray oo uu yiri "dadaalkeenna wadajirka ah ee aan ka wadno Saaxil waa in ay ka gudbaan jawaab-celinta milatariga… oo ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhinaca maamulka,". "Nabad iyo waqti ku wareejinta awoodda dawladaha si dimoqraadi ah loo soo doortay ee Mali iyo Chad waxay lagama maarmaan u tahay barwaaqada iyo xasilloonida mustaqbalka fog ee gobolka."

XS
SM
MD
LG